Top News:Ciidamada Israiil Oo Xalay Bilaabay Inay Weerar Dhulka Ah Ku Qaadaan Magaalada Gaza.

0

Gaza, AGGM:Taangiyada Israel ayaa bilaabay in ay xalay gudaha u galaan magaalada Gaza kadib markii uu Ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu amray ciidamadiisa.

Ciidamadan bilaabay in ay weeraro dhulka ah ku qaadaan magaalada Gaza ayaa imanaya toban maalmood kadib markii duqeyn xoog leh ay ku socotay magaalada Gaza iyadoo duqeyntaasna ay ku dhinteen 230 ruux halka inku dhow labo kun oo ruux oo badankood ay rayid yihiin ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku sugan gudaha Gaza ayaa sheegaya in duqeyn dhinaca cirka,badda iyo dhulkaba ay ku wadeen Israeliyinta magaalada Gaza xalay, waxaana la sheegay in korontada ay ka go’an tahay magaalada iyadoo aan la shaacin sababta loo jaray.

War ka soo baxay Netanyahu iyo wasiirkiisa gaashaandhiga Mose Ya’alon ayay ku macneeyeen gelida Gaza inay tahay sidii loo burburin lahaa godad dhulka hoose ka samaysan kuwaasoo Gaza loogaga soo gudbi karo Israel.

Weerarkan ayaa bilowday kadib xabad joojin shan saacadood socotay taasoo ay Qaramada Midoobay labada dhinac ay ka codsatay, waxaana dadka ku haray magaalada Gaza u suurtogashay in ay soo adeegtaan suuqana tagaan markii ugu
horeysay muddo toddobaad ah.

Illaa hadda lama oga qasaaraha ka dhashay duqeynta iyo gelida ciidamada Israel ee magaalada Gaza, inkastoo duqeyn
badan ay weli ka sii socoto magaalada Gaza.

Inkastoo duqeyntan ay socoto ayaa hadana waxaa jira dadaal diblumaasiyeed oo ka socda magaalada Qahira, waxaana ku sugan magaalada Qahira caasimada dalka Masar wakiilo ka kala socda labada dhinac inkastoo aan la sheegin weli wax
heshiis ah oo ay gaareen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com