Top News: Horjooge Ka Tirsan Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Xalay Magaalada Kismaayo Lagu Dhaawacay.

0

Kismaayo, AGGM:Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Maxamed Sugoow oo ka mid ahaa Horjoogeyaasha hoose ee maleeshiyo beeleedka Raaskambooni xalay lagu dhaawacay gudaha magaaladaasi kadib markii maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen hooygiisa.

Mid kamid ah ehellada Horjoogahan oo diiday in la xigto magaciisa ayaa Warbaahinta u sheegay in weerarku uu dhacay saqdii dhexe ee xalay.

Wuxuu tilmaamay in qorshaha Al-Shabaab uu ahaa inay dilaan guddoomiyaha, balse ciidanka KMG ah ee Jubba ay ka hortageen.

Dhinaca kale mid kamid maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dhintay kadib markii maleeshiyada Raaskambooni ay fashiliyeen miino ay aasayeen maleeshiyada.

Horjoogaha Ammniga ee maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Gaboobe Xasan Barre ayaa sidoo kale isna waxa u xaqiijiyay Warbaahinta dhacdadan, isagoo xusay inay ku raad joogaan maleeshiyada miinada aasaysay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com