Dhageyso:Ciidamada Dowladda Iyo Falaagada Al Shabaab Oo Xalay Ku Dagaalamay Magaalada Jowhar.

0

Jowhar, AGGM: Maleeshiyo ka tirsan Ururka Al-Shabaab, ayaa xalay waxa ay weerar culus ku qaadeen Bariga Magaalada Jowhar, halkaasi oo la sheegay in muddo ku siman 30-daqiiqo ay la wareegeen Dagaalamayaash Shabaab.

Al-Shabaab ayaa saqdii dhexe ee xalay Dagaalka uga soo qaaday Degmada Jowhar, dhanka Xaafadaha Buulo Shiikh iyo Horseed, waxaana dadka ku sugan, halkaasi marqura ay ka warheleen Dagaal culus iyo rasaas dhaceysa.

Goobta dagaalka ay ku qaadeen ciidamada Al-Shabaab ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse waa laga ceyriiyay goobta ciidamada.

Dadka ku sugan Jowhar ayaa xalay ku seexday argagax iyo cabsi xoogan, waxaana ay ka cabsanayeen inuu saameyn ku yeesho dagaalka culus ee Al-Shabaab xalay ay ku qaadeen Magaalada Jowhar.

Lama oga Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi xalay ka dhaca Bariga Magaalada Jowhar, iyadoo weli aysan faah-faahin ka bixin sarakiisha Dagaalkaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com