Top News: Socodka Gaadiidka Oo Habeenkii Laga Mamnuucay Degmada Baled-Xaawo.

0

Baled Xaawo, AGGM:Maamulka degmada Baled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa mamnuucay dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee habeennimada.

Taliyaha amniga ee degmada Baled-Xaawo, Cusmaan Koofi ayaa sheegay in wareegtadu qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo Ammniga magaalada.

Taliyaha ayaa sheegay in laga billaabo salaadda Makhrib, illaa waaberiga uusan gaadiidku ka bixi Karin, soona gali Karin magaalada.

Koofi ayaa ka codsaday dadweynaha Baled-Xaawo in ay ciidammada kala shaqeeyaan hawlaha lagu adkaynayo nabadgalyada degmada.

Sarkaalku ma sheegin muddada uu soconayo bandowga habeenka ah ee lagu soo rogey gaadiidka Baled-Xaawo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com