Dhageyso: Xukuumadda Federaalka Ah Ee Soomaaliya Oo Ugu Yaboohday $ 500,000 Dadka Ay Abaaruhu Saameeyeen.

0

Muqdisho, AGGM:Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku yaboohday ( $500.000) Shan boqol oo kun oo doolar oo loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu ku saameeyeen gobollada dalka.

Kulan uu goluhu maanta ku yeeshay magaaladda Muqdisho ayaa looga dhawaaqay yabooha lacagta.

Reysal wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in xukuumaddu ku dadaaleyso u gargaaridda dadkaas.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska reysul wasaaraha ayaa lagu sheegay in qaar ka tirsan gobollada Soomaaliya ay ka jirto abaar saamaysay dadka iyo xoolaha.

Xukuumadda ayaa magacowday guddi wasiirro ah oo uu guddoominnayo wasiirka beeraha, Cabdi Axmed Baafo, kaas oo la tacaali doona dhibaatada nololeed ee haysa dadka iyo xoolaha ku nool gobollada dalka qaar.

Dhinaca kale, golaha wasiirrada ayaa ka hadlay ammaanka dalka, gaar ahaanna dagaallo ka dhacay gobollada qaar, wuxuuna ku baaqay in shuruud la’aan lugu joojiyo dagaalka, sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji Cabdiweli.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in wafdi ka socda xukuumaddu gaaray gobolka Hiiraan, si uu gacan uga geysto joojinta colaadda.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com