Dhageyso: Gen. Indho-Cade “Ammni Darada Ka Jirta Muqdisho Puntland Iyo Baarlamaanka Ayaa Ku Lug Leh”.

0

Muqdisho, AGGM: Generaal Yuusuf Maxamed Siyaad Indho Cadde ayaa ka hadlay ammaan darada kusoo badanaysa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somalia.

Yuusuf Indha-Cadde ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta magaalada Muqdisho aan lagu eedeyn karin kaliya Al-Shabaab, islamarkaasna ay jiraan gacmo kale oo ku lug leh weerarada iyo qaraxyada ka dhacaya Muqdisho.

“Aniga waxaa rumaysanahay in Dhibaatada ka jirta magaalada Muqdisho ay dhici karto in Puntland ay ku lug leedahay kuwaas oo raba inaysan dagin magalada Muqdisho iyo koofurta Somalia” ayuu yiri Generaal Yuusuf Indha-Cadde.

Indha-Cadde oo waraysi siinayay mid kamid ah warbaahinta gudaha Muqdisho ayaa intaas ku daray in Al-Shabaab ay tahay dhibaatada ugu daran ee ka jira magalada Muqdisho iyo guud ahaan koofurta Somalia.

Sidoo kale wuxuu Yuusuf Indho Cadde ku eedeyay Baarlamaanka inay qeyb ku lee yihiin ammaan darrida ka jirta magaalada Muqdisho, iyagoo hor istaagay inay ansixiyaan sharciga la dagaalanka Argagixisada oo horey loogu soo gudbiyay.

Puntland ayaa kamid ah deeganada xasiloon ee dalka Somalia, waxaana Indha-Caadde uu qiray in Puntland ay ku lug leedahay dhibaatada,weerarada iyo qaraxyada ka jira magaalada Muqdisho oo ay wax ka wadaan siyaasiyiin iyo maamulka Puntland ay ku lug leeyihiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com