Dhageyso: Dagaal U Dhexeeya Maleeshiyaadka Raaskambooni Iyo Al Shabaab Oo Saaka Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo, AGGM: Dagaal culus ayaa saaka wuxuu ka qarxay duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose kaasi oo udhaxeeyay Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo kuwa Al-Shabaab, kadib markii maleeshiyada Raaskambooni ay gaareen saaka deegaan duleedka Kismaayo ku yaalo oo Shabaab ay dadka deegaanka ka qabsadeen.

Wararka waxa ay sheegayayaan in Dagaalka uu ka dhacay Deegaanka Cabdile Biroole oo Magaalada Kismaayo dhanka bari kaga beegan 45-KM, halkaasi oo maleeshiyada Raaskambooni ay saaka ku weerareen Al-Shabaab oo maamulaye deegaankaas, waxyar kadib markii ay kala wareegeen dadka deegaanka oo dagaal culus uu dhexmaray.

Deegaankaan, ayaa shalay iyo Doraad waxaa ku dagaalamay Dadka deegaanka iyo ciidamada Al-Shabaab, markii Al-Shabaab dadka deegaanka ay weydiisteen inay bixiyaan dhaqaalo, taasina ay ka biyo diideen dadka deegaanka.

Dagaalka oo ahaa mid culus oo labada dhinac hubka culus ayisku adeegsanadeen, ayaan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, dagaalkaasi laakiin dadka deegaanka ayaa sheegaya in khasaaro uu ka dhashay dagaalka.

Horjoogeyaasha Maleeshiyada Raaskambooni weli si faah-faahsan ugama aysan hadlin Dagaalkaan ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo, balse Afhayeenka maleeshiyada Raaaskambooni C/naasir Seeraar ayaa saaka BBC-da usheegay inay qaadayaan Dagaalo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Horjooge C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa Labo maalin kahor Magaalada Kismaayo wuxuu isna ka sheegay in Ramadaam marka ay dhibaato ay ku wajahan yihiin dhamaan deeganada Shabaabka kaga sugan yihiin Jubbooyinka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com