Xog: Maxaa Caawa Ka Socda Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia?

0

Muqdisho, AGGM:Wararka caawa naga soo gaaraya xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Caawa ay buuqsan tahay Madaxtooyada Somalia kadib markii uu soo baxay Qoraal lagu fashilinaayo Musuq-maasuq la sheegay inay ku kaceen Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo Wasiiradii hore ee Arrimaha Dibedda, Marwo Fowzia Yuusuf Haji Aadan.

Madaxtooyada ayaa waxaa Caawa ku kulansan Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaano farabadan oo ka tirsan Golaha shacabka DFS kuwaasi oo Madaxweyne Xassan kala hadlaayo Qoraalka ay maanta soo saartay Kooxda Caalamiga ee Kormeerka cunaqabataynta Hubka ee saran dalalka Somalia.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa la sheegayaa inay gacanta ku wataan warqado ay kusoo daabacdeen Warbixinta lasoo saaray oo ka kooban 37-Bog, taasi oo ay Mas’uuliyiintaasi u arkaan mid nusqaan ku ah Qaranka, waxaana la tilmaamayaa in Xildhibaanadaasi ay kamid yihiin kuwa Mucaaradka ku ah, gaar ahaan kuwii waday Mooshinkii la hakiyay ee Xassan Sheekh laga keenay.

Xassan ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadanayaa Xildhibaanada isaga taagersan, isagoona la sheegay inuu kala hadlaayo qaabka Golaha Baarlamaanka looga hor istaagi lahaa ka faa’iideysiga qoraalkaa oo ay suuragal tahay inay ka keenaan Mooshin dibindaabo ku ah Siyaasada Xassan Sheekh.

Sidoo kale, Wararka ka imaanayo Villa Somalia ayaa intaa kusii daraayo in Madaxweyne Xassan Sheekh uu caawa ku sugan yahay xaalad ka duwan tii uu ku sugnaa habeenadii lasoo dhaafay, iyadoona uu walaac ka muujinaayo wajiyada kala duwan ee suuragalka ah inuu kala kulmo Beesha Caalamka waxa uuna Musuqa la baahiyay imaanayaa iyadoo Beesha caalamka ay wado qorshooyin hanti loogu aruurinaayo DFS, hayeeshe taasi ka hor ay Dowlada Federaalka cagta dhigtay wadadii lagu fashilin lahaa.

Dhanka kale, Qoraalka ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli dhowr Jeer Dowladaha reer galbeedka ay shaaciyeen inay fashilintay Dowlada Madaxweyne Xassan, iyadoona tiro dhowr jeerna ku eedeysay lunsasho Hanti qaran iyo hanasho la’aan dhanka Ammaanka.

Dowlada Xassan Sheekh ayaa u muuqaneysa inay kasoo xir-xirmayaan wadooyinkii ay u mari laheyd Siyaasada waxaana intaa dheer Ammaanka Dalka oo faraha kasii baxaayo.

Isku soo wada duuboo intaas oo dhan waxaa sii dheer khilaafka baaxada leh ee ka dhex jira Madaxweyne Xasan Iyo R/wasaare Cabdiweli  ee ku aadan diidmada inuu xilka wareejiyo ee taliyaha ciidamada Booliska Gen.Cabdi Xakiin Daahir Siciid (Saacid).

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com