Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Puntland Oo Taageeray Go’aanka Gen. Saacid, R/wasaare Cabdiweli Sheekh Oo Wada Qorsho Lagu Soo Xirayo Gen. Saacid.

0

Muqdisho,AGGM: Akhristoow Wararka naga soo gaaraya xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in laba saf loo kala baxay wejigii runta ahaa ee siyaasada Soomaaliyana hadda lagu soo dhaweenayo R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo si hoose ugu waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu sheegay in xaaladi ugu adkeed uguna fool xumeed ay ka taagan tahay Xarunta Villa Somalia, kadib markii R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu xilka ka qaaday Taliyihi Booliska Gen.Cabdi Xakiin Daahir Siciid (Saacid) unna magacaabay Taliye cusub,Taliyaha Ciidamada Booliska Gen.Cabdi Xakiin Daahir Siciid (Saacid) ayaa waxa uu ka biyo diiday inuu xilka wareejiyo isagoo ku dooday waxaan xilka ku wareejin karaa oo kaliya Dikareeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha mana hayo taas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu ku Amray Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen.Cabdi Xakiin Daahir Siciid (Saacid) inuusan xilka Wareejin karin ilaa uu ka helo warqad uu isaga ku saxiixan yahay, taas oo ku tusaysa khilaafka baaxada leh ee u dhexeeya Ilmo Sheekh.

Sidoo kale Maamulka Puntland oo ah halka uu kasoo jeedo Gen.Cabdi Xakiin Daahir Siciid (Saacid) ayaa waxa ay ku wargaliyeen in uu xilka wareejin karin ilaa ay soo gaarto warqad ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya,waxa kale oo ay u sheegeen haddii uu aqbalo arintaan in isaga iyo maamulka Puntland ay ku tahay meel ka dhac.

Dhinaca kale xafiiska R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxaa maanta ka socday qorshe lagu doonayo haddii uu ku adkeysto Gen.Cabdi Xakiin Daahir Siciid (Saacid) mowqifkiisa ah inuusan xilka wareejin dooninj ilaa uu helo warqad ka timi xafiiska Madaxweynaha in lagu amrayo in Ciidamada AMISOM ay soo xiraan

Muqdisho,AGGM: Akhristoow Wararka naga soo gaaraya xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in laba saf loo kala baxay wejigii runta ahaa ee siyaasada Soomaaliyana hadda lagu soo dhaweenayo R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo si hoose ugu waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu sheegay in xaaladi ugu adkeed uguna fool xumeed ay ka taagan tahay Xarunta Villa Somalia, kadib markii R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu xilka ka qaaday Taliyihi Booliska Gen.Cabdi Xakiin Daahir Siciid (Saacid) unna magacaabay Taliye cusub,Taliyaha Ciidamada Booliska Gen.Cabdi Xakiin Daahir Siciid (Saacid) ayaa waxa uu ka biyo diiday inuu xilka wareejiyo isagoo ku dooday waxaan xilka ku wareejin karaa oo kaliya Dikareeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha mana hayo taas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu ku Amray Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen.Cabdi Xakiin Daahir Siciid (Saacid) inuusan xilka Wareejin karin ilaa uu ka helo warqad uu isaga ku saxiixan yahay, taas oo ku tusaysa khilaafka baaxada leh ee u dhexeeya Ilmo Sheekh.

Sidoo kale Maamulka Puntland oo ah halka uu kasoo jeedo Gen.Cabdi Xakiin Daahir Siciid (Saacid) ayaa waxa ay ku wargaliyeen in uu xilka wareejin karin ilaa ay soo gaarto warqad ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya,waxa kale oo ay u sheegeen haddii uu aqbalo arintaan in isaga iyo maamulka Puntland ay ku tahay meel ka dhac.

Dhinaca kale xafiiska R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxaa maanta ka socday qorshe lagu doonayo haddii uu ku adkeysto Gen.Cabdi Xakiin Daahir Siciid (Saacid) mowqifkiisa ah inuusan wareejinayn xilka ilaa warqad uga timaado Xafiiska Madaxweynaha  in loo adeegsado Ciidamada AMISOM si ay usoo xiraan qasabna uga saxiixaan warqadaha xil wareejinta.

Isku soo wada duuboo waxaan la saadaalin karin kooxahan iyo isbaheeysiyadan cusub ee ka curtay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia halka uu saldhigan doono dagaalkooda siyaasadeed ee curyaamiyay dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waloow shacabku ay si aad ah uga rajo beeleen Madaxda dalka hadda hogaamisa inay dadka iyo dalka gaarsiiyaan dowladnimo, nabad iyo horumar ..

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com