War Deg Deg Ah: Xaalada Magaalada Muqdisho Oo Caawa Alloow Sahal Ah.

0

Muqdisho, AGGM:Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho Magaaladda Muqdisho ee caasimadda ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada Ammniga Magaalada uu aad u qasan yahay, waxaana ka dhacay falal dhowr ah oo aad looga naxo iyo dagaallo qaraar.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in kooxo ku hubeysan hubka fudfud iyo kuwa culus, ay caawa weerar ku qaadeen fariisimaha ciidamadda dowladdu ku leeyihiin qeybo ka tirsan degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Goobaha caawa Dagaalka uu ka dhacay ayaa waxaa ka mid ah Isgoyska Television-ka ee xaafada Towfiiq.

Kooxahan weerarka soo qaaday, ayaa la tuhunsanyahay inay ka tirsanyihiin Alshabaab, oo hore ugu goodisay, inay beegsan doonto ciidanka xilliyadii habeenkii howlgaladda ka sameeya magaaladda Muqdisho.

Dagaalka xoogiisu wuu istaagay, balse weli rasaas ayaa la maqlayaa, saasaanta dagaalkana waa la dareemayaa.

Dagaalka ka sokoow, degmooyin badan oo caasimadda ka tirsan, waxaa ka soconaya howlgallo ka dhan ah kooxo la sheegay in xilliga habeenkii ay qas ka sameeyaan magaaladda Muqdisho, waxaana sidoo kale dhacay dilal dhowr ah..

Kooxo hubeysan, ayaa caawa degmadda Xamarweyne ku togtay nin dhallinyaro ahaa, Iyadoo kooxaha la sheegay inay ku hubeysnaayeen bistoolado.

Kadib markii ay dilka geysteen waxaa raggan u suurto gashay, inay isaga baxsadaan halkii ay falka ka geyteen, Iyadoo markii danbe goobta ay soo gaareen ciidan ka tirsan kuwa booliska iyo nabadsugida dowladda Soomaaliya.

Ciidanka ayaa intaa kadib bilaabay howlgallo ay ka sameeyeen nawaaxiga uu dilku ka dhacay, Iyadoo howlgalka caawa la sheegay inay kusoo qab qabteen rag ay uga shakisan yihiin, inay ku lug leeyihiin qaska Muqdisho ka soconaya ee la aaminsan yahay inay Shabaabku soo maleegaan.

Dhanka kale, agagaaraha Ex-baarlamaanka, ciidanka booliska howlgallo ay ka sameeyeen iyagoo kaashanaya kuwa nabadsugida, waxaa u suurto gashay inay gacanta ku soo dhigaan, gaari walxaha qarxa ay ka buuxeen, oo la qorsheynayay in lagu geysto fal ismiidaamin.

Ciidanka, ayaa caawa dadka rakaabka u diiday inay isticmaalaan wadada, iyadoo ay bartamaha laamiga ku hayay gaariga ay ku xirnaayeen qaraxyada, waxeyna sheegeen inay sii wadayaan howlgalka ay caawa wadaan.

Isku soo wada duuboo hal maalin oo qura ayaa ka harsan in la gudo galo 10-ka danbe ee bisha barakeysan ee Ramadaan, xilli qeybo badan oo caasimadda ka tirsan ay ka dhacayay dilal iyo qaraxyo, badina ay masuuliyadooda dhabarka u ridanayaan Alshabaabka ka dagaalama dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com