Top News:Dagaal u Dhexeeya Dadka Deegaanka Iyo Al Shabaab Oo Ka Dhacay Deegaanka Shabeelleey Ee Gobolka Jubbada Hoose.

0

Kismaayo, AGGM:Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Laba qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay iska hor-imaad shalay gelinkii dambe deegaanka Shabeelleey ee gobolka Jubbada hoose ku dhexmaray maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo dadka deegaanka.

Iftiin Xasan Baasto oo gadaal uga soo biiray maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhacdadan.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay dadka ku amartay inay si khasab ah ku bixiyaan lacag, taasoo ay diideen dadka deegaanka.

Dhinaca kale Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe 3 gaari oo nooca xamuulka qaada ku dhacday inta u dhaxaysa magaalada Kismaayo iyo deegaanka Cabdi Dhoorre ee gobolka Jubbada hoose.

Mid kamid ah dadka laga dhacay baabuurta oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa Warbaahinta gudaha dalka u xaqiijiyay dhaca gawaarida.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com