Dhageyso:Laba Maleeshiyo Beeleed Oo Ku Dagaalamay Deegaanka Dhabano-dhulkuheys Ee Gobolka Galguduud.

0

Dhuusamareeb, AGGM:Laba qof ayaa ku dhimatay, tiro kalana way ku dhaawacmeen dagaal saaka maleeshiya beeleed ku dhexmaray deegaanka Dhabanodhulkuheys oo 35 KM dhinaca koofureed uga beegan magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa salka ku haya muran ka dhashay gacan ku heynta ceel biyood ku yaala degeaankaas.

Guddoomiyaha maamulka Dhuusamareeb Macallin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-Qoroow ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay dhimashada labada ruux.

Geeda-Qoroow ayaa sheegay in ergo uu isaga hoggaaminayo ay saaka tageen deegaanka uu dagaalka ku dhacay si xiisadda loo damiyo, heshiisna loo dhex-dhigo dhinacyada dagaallamay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com