Top News: Nin Ka Tirsanaa Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada Oo Maanta Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho, AGGM:Rag hubeysan ayaa maanta ku dilay xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ruux ka mid ahaa shaqaalaha wasaaradda maaliyadda Somalia, iyadoo kooxaha dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Ruuxa la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Maxamed, waxaana la dilay isagoo fadhiyay illinka hore ee gurigiisa, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in laba wiil oo bastoolado ku hubeysan ay toogteen.

Mid Kamid ah Dhalin yarada xafada nasteexo ayaa Lahadalay warbaahinta waxana uu yiri “Wiilka la dilay wuxuu ka mid ahaa dhallinyarada xaafada, waxaana toogtay isagoo gurigiisa hortiisa fadhiya laba wiiil oo bastoolado ku hubeysan wayna baxsadeen

Dilka ruuxan ka tirsnaa shaqaalaha dowladda Soomaaliya maanta loogu geystay Muqdisho ayaanay weli ka hadlin maamulka degmada Wadajir, iyadoo sidoo kalena aysan ka hadlin wasaaradda maaliyadda oo uu ka mid ahaa shaqaalaheeda.

Maydka marxuumka ayaa waxaa goobta ka qaaday ehelladiisa, iyadoo tani ay qayb ka noqonayso falalka ammaan-darrada ah ee ka taagan Muqdisho, kuwaasoo xoogeystay markii ay dhalatay bisha Ramadaan.

Xarakada Al-shabaab ayaa horay ugu gooddisay inay beegsan doonto cid walba oo la shaqeysa dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM,

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com