Top News: Dowladda Kenya Oo Kula Talisay Muwaadiniinteeda In Ay Ka Fogadaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada London (Heathrow Airport).

0

Nairobi, AGGM:Dowlada Kenya ayaa kula talisay muwaadintiinteeda inay ka fogaadaan garoonka dayuuradaha ee UK Heathrow Airport sababo la xiriira weeraro argagaxiso ay u soo qaadaan Al-Qaeda.

Sarkaal u hadlay wasaarada arrimaha dibada ee dalka Kenya Karanja Kibicho ayaa sheegay in ay heleen warbixino ku saabsan suurtogalnimada in weeraro lagu qaado garoonka Heathrow.

Waxana uu sarkaalkan sheegay in ay ka heleen warbixino mas’uuliyin Maraykan ah kaasoo ah in xubno ka mid ah Alqaacidada Yemen iyo Syria ay horumarinayaan bambooyin soo ridi kara dayuuradaha.

Waxana uu sarkaalkan intaa ku daray in dalka Britain uu yahay meesha ay suurtogalka tahay in la weeraro.

“Sidaa darteed, muwaadiniinta Kenya waxaa lagula taliyay in ay ka fogaadaan isticmaalida garoonka magaalada London ee Heathrow kaasoo ay dhici karto in la soo weerarowhere ,”ayuu yiri Dr Kibicho.

Waxana uu Dr Kibicho intaa ku daray in muwaadiniinta Kenyanka ah ay raadsan karaan wadooyin kale oo ay u maraan Maraykanka iyo wadamo kale ee Yurub.

Waxaana ka mid ah meelaha ay isticmaali karaan oo uu kula taliyay sarkaalkan muwaadiniintan Kenya inay ka mid tahay Doha dalka Qatar, Abu Dhabi wadanka UAE, Amsterdam wadanka Netherlands iyo Addis Ababa dalka Ethiopia.

Ma jiro wax duulimaad ah oo toos ah taasoo aad ku tegi kartid Maraykanka adigoo ka duulaya Nairobi.

Waa markii ugu horeysay ee dowlada Kenya ay soo saarto digniino ah inay muwaadininteeda u safraan dalka Britain.

Britain,Maraykanka iyo wadamo kale oo reer Galbeed ah ayaa hore muwaadiniintooda ugaga digi jirey in ay u safraan qeybo ka mid ah dalka Kenya cabsi laga qabo in la soo weeraro.

Bishii aynu ka soo gudubnay Maraykanka ayaa ku dhowaaqay in uu qaar ka mid ah shaqaalaha safaaradeeda ee ka shaqeeya wadamo dibada ka ah Kenya ka saarayaan sababo la xiriira halis ugaga iman karta argagaxiso.

Dad gaaraya 130,000 oo Kenyan ah ayaa ku nool wadanka Uk balse dowlada Kenya ma aysan sheegin in dadka u safraya dalka Britain ay safaradooda baajiyaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com