Dhageyso: Dilal Kala Duwan Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

0

Afgooye, AGGM:Wararka naga Soo Gaaraya Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan In Askari ka tirsan ciidamada Ammaanka lagu Dilay Suuqa Ugu Weyn Degmadaasi Ee Hili Waaleey.

Raga Dilka Geestay ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay in ay gaarayeen Ilaa 3 Ruux kuwaas oo markii ay falka Dilka ah geysteen isaga Baxsaday Goobta waxaana durba gaaray ciidamada Ammaanka oo Baaritaano ka bilaabay Suuqa Degmada Afgooye iyo nawaaxigiisa.

Dhinaca kale waxaa xalay qaraxyo u muuqanayey Bam Baanoyinka nooca gacanta lagu tuuro lagu weerarey fariisimo ay Ciidamada Mileteriga ku lahaayeen Galbeedka Degmada Afgooye gaar ahaan halka lagu magacaabo Mukayga oo Duleedka Ka ah Degmadaasi 1Askari ayaa ku Geeriyoday mid kalena waa uu ku dhawacmay Labadaasi Qarax.

Saraakiisha Ammaanka iyo Maamulka Degmada Afgoye oo aan qadka Telfoonka kula xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay wax faah faahin ah kabixiyaan.

Isku soo wda duuboo sadexdi maalmood Ee Lasoo Dhaafay Ammaanka Degmada Afgooye Waxaa uu Umuuqanayey Mid faraha ka sii baxaya Maadaama dilal qorsheysan oo Ilaa 4 gaaraya ay ka dhaceen iyo 2 Qarax oo intaba lagu weeraray Ciidamo Dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com