Top News: In Ka Badan 100 Qof Oo Ku Dhimatay Duqeymaha Isra’iil Ee Gaza.

0

Gaza, AGGM:Dadka ku dhintay weerarrada cirka ee Isra’iil ayaa gaaray 100 ruux.

Tirada Falastiiniyiinta ee ku dhimatay weerarada diyaaradaha Israa’iil ay ku qaadayaan Qaza afartii bari ee u dambaysay ayaa gaartay 100 ruux.

Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka oo Qaza jooga ayaa sheegay in dadka u dambeeyay ee waxyeeladu gaareen ay yihiin labo nin oo la dilay iyaga oo ku safrayay agagaarka degaanka Bureij.

Gantaal laga soo riday Qaza ayaa ku dhacay kaalin shidaal oo ku taallo magaalada Ashdhodh ee koonfurta Isra’iil.

Saraakiisha caafimaadku waxay sheegeen in saddex qof ay dhaawacmeen mid koodna ay xaaladiisu xuntahay.

Weerarkaasi wuxuu u muuqdaa in uu yahay weerarkii ugu waynaa ee lagu qaado Israa’iil dagaalka socda afarta maalmood.

Gantaalo ayaa sidoo kale lagu riday waqooyioga Israa’iil, waxaana laga soo riday dhanka lubnaan, waana markii u horaysay tan iyo in tii uu billawday isku dhacan cusub.

Millitariga Lubnaan waxaa ay sheegeen in ay isku dayayaan in ay ogaadaan cidda weerarkaasi ka dambaysay.

Ish Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com