Top News: Boqolaal Ruux Oo Maanta Lagu Soo Qab Qabtay Degmada Xamar-weyne Ee Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho, AGGM:Dadkan ayaa waxay isugu jireen ganacsato, dad jidadka iska marayay iyo sidoo kale kuwo dukaamo laga soo dhex-qabtay, iyadoo maamulka Xamar-weyne iyo saraakiisha howlgalka sameeyay ay sheegeen inay tani qayb ka tahay qorshaha lagu adkeynayo ammaanka degmada.

Guddoomiyaha maamulka degmada Xamar-weyne, C/qaadir Maxamed oo ka warbixiyay howlgalka ayaa sheegay inuu yahay mid lagu xaqijinayo amniga degmada oo ay horay dilal uga dhaceen.

“Qof walba baaritaan ayuu marayaa, qofkii la dambi lagu waayo waa la sii daynayaa qofkii kalena sharciga ayaa lala tiigsanayaa. Qofkii la garto inuu yahay shacabka ku nool degmada balse aan dhibaatooyinka geysta isagana waa la sii daynayaa,” ayuu yiri gudodomiyaha degmada Xamar-weyne.

Howlgalkan ayaa noqonaya kii ugu baaxadda weynaa ee degmadaas laga sameeyo dhawaanahan, iyadoo degmadaas ay ka dhaceen falal ammaan-darro oo isugu jiray qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo dadkii lagu dilay uu ka mid ahaa xildlhibaan Xayd.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com