Dhageyso: Haweenka Muqdisho Oo Soo Dhaweeyay Isbadalka Hay’addaha Ammniga.

0

Muqdisho, AGGM:Kulanka ay Maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxay ku taageereen Isbedelka lagu sameeyay Hay adaha Amaanka Dowlada Soomaaliya.

Haweenka ayaa Sidoo kale Kulankooda kaga hadlay xaalada Amaan ee Dalka iyo Weeraradii lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo Munaasabada Khudbad dheer ah ka jeedisay aya ugu horeyn Raysal Wasaaraha Dalka ku Amaantay Isbedelka uu ku sameeyay waxayna Sidoo kale Soo dhaweysay Madaxda Cusub ee la Magacaabay.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com