Top News:Sarkaal Ka Tirsan Shaqaalaha Xafiiska R/wasaare Cabdiweli Sheekh Oo Mudo Saacado Ah Ugu Xirnaa Xabsi Ku Yaala Xarunta Madaxtooyada Ilaalada Madaxweyne Xasan Sheekh.

0

Muqdisho, AGGM:Caluula Nuur Caluula oo ah Sarkaal ka tirsan shaqaalaha Xafiiska R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa Subaxnimadii shalay waxaa lagu Xiray Xabsi ku yaala Xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Xiritaanka Caluula ayaa waxaa uu salka ku hayaa sharci daro ayadoona ay shalay isagoo u socda Xafiiskiisa ay is afdhaafeen sarkaal ka tirsan ilaalada Madaxweynaha Soomaaliya.

Is afdhaafkaasi kadib ayaa waxaa sarkaalkii heeganka sare ee Villa Soomaaliya hayay waxa uu askartii goobta joogay ku amray in ay qabtaan sarkaalkan isla markaana ay ku xiraan xabsi ku yaala Gudaha Madaxtooyada.

Intaasi kadib waxaa Xasbisigii la geeyay Caluula isagoona Taliyihii Saldhiga uu diiday in uu Masuulkaan Xiro warqad la,aan.

Isla Markiiiba waxaa Waraaq soo qoray Heeganka Sare ee Villa Soomaaliya isagoona amar buuxa ku bixiyay in Caluula gudaha la dhigo ilaa iyo amar dame.

Mudo saacado kadib ah waxaa goobta soo gaaray Taliyaasha Ciidanka Xafiiska R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayagoona Cadeeyay in uusan Caluula wax dambi ah lahayn isla markaasna ay xurguf yar dhexmartay Sarkaalkii Heeganka Sare u hayay Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Waxaana halkaasi Xoriyadiisii Dib u helay Caluula Nuur Caluula oo ka mid ah shaqaalaha Xafiiska R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Lama yaqaan ilaa iyo hadda sababta dhabta ah ee ka danbeysay in sarkaal ka tirsan xafiiska R/wasaare Cabdiwali Awood noocas ah loogu adeegsado iyadoo aan baaritaan lagu samayn sababta keentay inay is-afdhaafaan sarkaal ka tirsan ilaalada madaxwaynaha DF Xasan Sheekh Maxamuud.

CALUULA

Sarkaalka La Xiray Caluula Nuur Caluula waa ninka sawirkan la sawiran R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

 

SAWIRKA
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com