Dhageyso:Maleeshiyada Raaskambooni Oo Degmada Dhoobley Ku Xiray Odayaal Dhaqan.

0

Dhoobley, AGGM:Odayaal ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka ayaa Horjoogeyaasha maleeshiyada Raaskambooni Waxa Ay U taxaabeen Xabsi ku yaala Degmada Dhoobley Ee Gobolka Jubbada Hoose.

Odayaashan lagu Xiray Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa la sheegay in ay Degmada u tageen Xalinta Dagaal beeleed dhawaan ka dhacay Tuulooyin hoos yimaada Degmada Dhoobleey markii ay halkaa tageena Xabsiga loo taxaabay.

Sheekh Cali oo ka mid ah Odayaasha lagu Xiray Degmada Dhoobleey ayaa sheegay in Xarigooda uu Amray Horjoogaha labaad ee maleeshiyo beeleedka Raaskambooni C/qaadir Luga dheere ujeedada loo xirayna aysan garaneeyn.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com