Maqaal: Maxaa ku cusub Halganaka ee ay ONLF Hormuudka katahay qaybtii labaad. W/Q.Abdi Omar

0

Hogaanka Warfaafinta Ururka ONLF Waa’ ayo Qabiilka uu Sheegay Ama Kala Garan La,a nidaamka Urur iyo Kan qabiilka

Sida aan lawada socono waxaan dhowr malin kahor qoraal kasamaynay isbadalada kudhacay halganka iyo masiirka umada somalida ogadeniya iyo sida shaqsiyaad gaar ahi ugu takrifaleen ama loo marin habaabiyay, waxaase daah fur iyo cadayn rasmiya unoqotay xaaladaha jira iyo waxa aanu kahadlayno jawaabta uu kabixiyay hogaanka warfaafinta ONLF oon odhan karo waxay ahayd mid aan caqli iyo xigmadi kujirin balse uijeedadu ahayd in dhibka jira loo sameeyo jiha aan iyada lafteeda laga baraan dagin saamaynta ay yeelan karto iyo su,aalaha ka imaan kara, taasina waxay keentay indadbani durba su,aalo iska waydiyaan heerka ay jogaan shaqsiyaadka Tunka kuqaatay masiirki umada iyo sida aysan bud-dhig ugu noqon karin matalida danta umadeed iyo mid  hogaaminteed toona,

Akhristow waxa uu qoraalku kusaabsanaa hawlaha halganka iyo sida ay wax usocdaan Maxaa khaldan  maxaase saxan, maxaa sabab u,ah in qof walba oo masiirka shacabka katala kadhiibta ama aragtidiidsa soo bandhiga  in  lasaaro shaabad qabiil, midcadaw, iyo been abuurasho,  siloo majara habaabiyo aragtida dadwaynaha loona xalaalaysto  hagardaamaynta iyo walaaqa dad gaari kuhayaan danihii umadeena iyo halgankii lagu jiray ?

Sawma wanaag sana in Hogaanka warfaafinta ONLF cadeeyo qabiilka kusoo dullay halganka iyo cida ay yihiin silooga gashaanto dadkuna uga digtoonadan in qabiil gaarihi wado fawdo iyo burbur lala doonayo halganka? maxaa sababay in aragtidii hawl wadeenada iyo cidwalba oo kadanqata khaladaadka jira  loo lexiyo meel aan dooduba joogin? waxaan shaki kujirin in wakhtigan yahay mid kubahon in shacabku iswaydiyaan halka uu Marayo halgankoodii, waxaa iyana aan marnaba dhici karin in danaha umada lagu xalaalayso magacyo lagusoo qoray warqad taasina aynan caawin karin sii jiritaanka koox gaara, 

Waxaan qabnaa aragti ah in Hogaaminta ururuka hal shay kusax sanyihiin “hadii ay dhab ka tahay” kaas oo ah in layska ilaaliyo cadawga guunka ah ee gumaysiga Ethiopia  ee ina haysta mudada qarniga ah iyo adeegayaashiisa, balse hadana miyaysan wax laga xumaado ahayn in lakala garan waayo cadawga iyo naseexa ama hawl wadeenka ururka iyo kan gumaysigu umada kusoo dhexdaray ? talada ururku ma mid dad gaarihi leeyahaybaa mise waa mid umadeed. Qoraalka xafiiska warfaafinta waxaa kucad inaanu kala garan la,ayahay talada  qabiil uu isagu sigaara niyada uguhayo malaha ama tuhmayo inay kadanbeeyaan iyo tii ururka,  midkee mudan in laga wada xajoodo masiir umadeed iyo mid qabiil? 

Sidookale qoraalka kasoobxay xafiiska warfaafinta  waxa lagu xusay in cidii qabta su,aal ama aragti halgameed iyo dhaliil  inay laxidhiidho cida ay khusayso oo loola jeedo masuuliyiinta ururka  sifa looga qanciyo, hadii aan taas iftiimino akhristow mawaxay kula tahay in anaga oo heli kara meel aanu ula laabano ama cid naga qancisa inaanu qoraalkanaga kusoo bandhigi lahayn warbaahinta? mise waa mid dantu  nagu kalftay kadib markii aanu kaquusanay Hogaaminta ururka jawaabaha nala siiyayna ay ahaayen uun sida kuwan waxaa tihiin qabiil, waxad ushaqaysan cadawga, Mase jiraan madal lagu wada hadli karo oo inta la xisaabtamo si waafi ah looga doodi karo, hadii ay jirto xubnaha iyo taageerayaashaba ka u sheegaa meesha ay ka jirto 

Hadaba waxaan si buuxda akhristayaasha ugu cadaynaynaa in talabixintanada hawladenku  socotay mido 5 sano ah laga soo bilaabo sanadii 2010 ilaa iyo xiligan aanu joogno anoo waqtigaas lanimid strategy yad aanu kaga hortagaynay dulaankii dawlada Ethiopia kusoo qaaday wadamada qurbaha qorshahan oo ahaa mid gabi ahaanba fashilin lahaa cadwga waxa sicad isu hortagay masuuliyiinta ururka mana jirin dan dhaafsiisan inaan Ethiopia fashilino balse waxa kaliya eenu lakulanay wuxuu ahaa in naloogu yeedho cadaw mararka qaara layidhaahdo waxaa laydinka saaray ururka jawaabta uu maanta bixiyay Huseen awnuur waxay ahayd tii uu bixiyay 2010 maxamuud Nuur oo jooga Maraynka kuna magacawnaa hogaanka cilmi baadhista iyo arimaha ururka, mase la is dhihi karaa waa masuuliyad haboobowday akhristow?

Hadii aan usoo laabano  Cabdi Nuur yare iyo Hamze mid walba waxaan  uga hadalaynaa goonidiisa, anaga oo ku hor mari doona IHASA, waxaana kuqadaa dhigi doona xogaha aanu kahayno anaga oo tixraac kusamayn doona halkudhaga ah Robert Hanssen iyo abdi nuur yare balse aan ku hor maro tan IHASA iyo Xamase akhristow sida aanu isleenahay su,aashani wa mid kuhaboon in lawaydiyo cida sheegaynaysa inay khusayso, IHASA waa machad madax banaan waa sax haba madax banaanado oo lama diidana Hadii uu yahay Machad madax banaan Gudoonkii  IHASA waxaa uu socdaal kutagay Bariga Africa wuxuuna lakulmay inta badan masuuliyiinta wadamada geeska Africa  waxa kamid ahaa wasiirka Arimaha dibada Ethiopia Dr Tedros Adhanom maxay kawada hadlen?

Xamse wuxuu ahaa nindhalinyara ah oo aqoonyahana waxase jooga boqolaal aqoonyahan oo isaga lamida miyaan dafirikaraa in IHASA oo ahayd mid jaaliyadaha somalida ogadenia ee Maraykanu boqolaal kun oo dollar kubixiyeen inuu yahay kan usahlay inuu gaadho heer uu sifudud ula kulmo masuuliyiinta geeska frica isagaoo laabta kuwata magaca IHASA? Markii masuuliyiinta ururka  wax laga waydiyayna in lagu jawaabo waa urur madax banaan oo cida uu rabo la kulmi kara, hadii xaaladu sastahay maxaa loomaal galinayay oo boqolalaanka kun ee dollar loogukharash garaynayay?

Sawkama dhigna waxaa lamaal galinayay dad dana gaara iyo inay wax kunoqdaan halganka doonaya marka heerka ay doonayaan gadhaana dana hooda kufoofa, difaac laga galo in lasoo hadal qaado? sawma muuqato in cidwaliba maanta magac kuraadinayso kamid noqoshada halganka shacabka somalida Ogdenia kadibna inta ay danta ay leedaahay kugaadho layidhahado saasbuu ahaa iyo yaanlahadal qaadin, cidi laga maqla waa danbile. Xogaha aanu  hayno maha kuwa ay jawaab uheli karaan masuuliyinta ururku waxanse akhrista yaasha ubalan qadanynaa inaan soo bandhigno silsilada qoraala  marba hadii taladii ururka cidii kahadashaba cadaw ama qabiila tahay, xogahan waxaa la ururinayay ilaa iyo sanadii 2006-2014

Gaba gabadii waxaan cadayn doonaa cida cadawga ushaqaysa waxaanse leenahay  qabiilka iyo cadaw ushaqayntu yaysan noqonin kuwa qoraal kuwareegaysta ee waa in laqeexo halka ay kajiraan lana magacdhabo cida lagu tuhmayo sida aanu umagac badbaadno, anugana waxanu soo bandhigaynaa cadaymaha aanu hayno iyo sida loogu danaystay halgankii umadi lahayd, silsiladani waa mid socon doonta oon afjarmi doonin waxaana daah furi doona waxaanu qarsanaynay mudadaintaas la,eg.

Waxaad lasocotaa qaybta 3 xaad oonu kaga hadli doono Cabdi nuur yare oo jaajus cid waliba ogtahay ahaa iyo Robert Hanssen oo jaajus qarsoon ahaa

Abdi Omar
ogadenst@gmail.com
UK

Fiiro Gaar Ah: Qoraalkan Waxa Uu Ka Turjumayaa Aragtida Qoraaga Ee Kama Uu Turjumayo Ka Warbaahinta Allgalgaduud Media, Waxii Amaan ama Dhaliil Ah Fadlan Kala Xiriir Qoraaga Emailkiisa,ogadenst@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com