Dhageyso:Madoobe Nuunow Oo Gudoomiyeyaal U Magacaabay Gobolada Jubbada hoose/Jubba dhexe iyo Gedo.

0

Baydhabo, AGGM:Madaxweynaha Maamulka Konfurgalbeed Somalia Mudane Madoobe Nuunow oo maalintii shalay ahayd saxaafada ugu waramayay Xafiiskiisa ayaa waxaa uu sheegay in Maamulkiisa uu shaqo badan ka wado .

Madoobe Nuunow ayaa waxaa uu sheegay in Maalinti shalay ahayd Magaalada Baydhabo lagu dhaariyay 85 Xubno oo uu sheegay in ay noqonayaan Barlamanka KMG ah ee Maamulka Konfur Galbeed Somalia.

Asago hadalkiisa sii wada ayaa waxaa uu yiri Madaxweynaha Maamulka Konfurgalbeed Somalia waxaan hada u fadhinaa Magacaabista Maamulada Gobolada Lixda ah ee i hoos yimada kuwaas oo kala ah Bay, Bakool, Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Shabellada Hoose.

Madoobe Nuunow ayaa waxaa uu Ugu danbey sheegay in Goboladan kor ku xusan uu u soo magacaabi doono Gudomiyeyaal Gobol iyo waliba Taliyeyaal Ciidan waxaana hadalka Madoobe Nuunow u imanaya Xili Goboladaasi qaarkood uu ka tagaan yahay Muran ku saabsan Maamulo kala duwan oo hada ka dhisan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com