Xog: Kulan Deg Deg Ah Oo Golaha Wasiirada Uga Socda Villa Somaliya Iyo R/wasaare Cabdiweli Oo Shaki Weyn Qaaday.

0

Muqdisho, AGGM:Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah oo aan horey loo sii qorshayn uu iminka uga soconaya xarunta Madaxtooyadda Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa imaanaya in yar kadib markii uu soo gebagaboobay weerar culus oo lagu qaaday xarunta Madaxtooyada, Masuuliyadiisana ay sheegteen Ururka Alshabaab ee ka dagaalama qeybo ka tirsan Dalka.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in ra’iisul wasaaraha uu shaki u gaar ah qabao, kaasi oo ku saabsan qaabka weerarka lagu soo qaaday iyo dhinaca weerarka uu ka saameeyey Villa Somalia.

Xogta ina soo gaareyso ayaa tibaaxeysa in Reysul wasaare C/Weli uu si weyn uga careysan yahay weerarkii caawa inuu si gooni ah u saameeyo qeybta Madaxtooyada ay xafiiskiisa uu ku yaallo, Iyadoo rasaas culus ay ka hor dhaceysay inta dagaalku socdey afaafka hore ee xafiiska Reysul wasaaraha Xukuumadda.

Sida aan horey u shaacinnay, waxaa weerarka laga soo qaaday dhinaca madaxtooyada ee Boondheere, halkaasna waxaa ku yaalla xafiiska Cabdi Weli.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay saacado heysatay Xafiiska. Illaa iyo hadda lama oga shakiga uu qabo Cabdi Weli iyo sida wax u socdaan.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo aan inyar ka hor qadka kula xiriirnay isagoo Aqalka dalka looga arrimiyo ku sugan, ayuu ka gaabsaday inuu warbixin naga siiyo khasaarihii ka dhashay Weerarkii fool ka foolka ahaa ee caawa lagu qaaday xarunta Dalka looga taliyo.

Ridwaan ayaa inoo xaqiijiyay inuu iminka soconayo kulan ay wada qaadanayaan Reysul wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada, wuxuuna intaa ku daray in Madaxda Xukuumaddu ay saxaafadda uga warbixin doonaan wixii caawa dhacay iyo qorshayaasha Xukuumadda uga aadan amniga.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com