Top News: Maleeshiyaad Ka Soo Goostay Axmed Madoobe Oo Isu Dhiibay Ciidamada Garabka Col. Bare Hiiraale.

0

Goobweyn, AGGM: Maleeshiyo ka tirsan ciidanka maamulka Ahmed Madoobe ayaa waxaa ay isaga baxeen Kismaayo, iyagoona ku biiray ciidanka uu hoggaamiyo Col, Barre Aden “Hiiraale” kuwaasi oo fadhiya magaalada Goobweyn.

Ciidanka goostay oo tiro ahaan lagu sheegay inay dhan yihiin 20 askari ayaa waxaa hoggaaminayey sarkaalka lagu magacaabo Farxaan Daahir Shidane kaasi oo markii uu Goobweyn gaaray ka warbixiyey sababta ay uga soo goosteen Ahmed Madoobe iyo maamulkiisa aan dhaafsiisneyn Kismaayo.

Isagoona sheegay in Ahmed Madoobe iyo maamulkiisa ay isku badeleen kuwa qabiileysan islamarkaana ciidanka ku qabiilka ah Ahmed Madoobe hub inta la siiyo ay dhabarka ka toogtaan ciidamada kale ee aan iska ilaalineyn dhagarta ay u maleegayaan, maadaama ay iyaga aaminsanaayeen inay ciidamada isku mid yihiin.

“Ahmed Madoobe iyo ciidanka ku reerka ah waxaa ay bilaabeen qorshayaal ay ku qaarijinayaan ciidamada aan ku qabiilka aheyn, waxaana dhowr jeer ay sameeyeen dilalka ciidamo inaga tirsan” ayuu yiri Farxaan Daahir Shidane.

Dhinaca kale waxaa uu ka waramay qaabka ay uga soo goosteen maamulka Ahmed Madoobe iyo sida ay ku yimaadeen halka ay joogaan ciidamada Guddoomiyaha golaha Nabada iyo Midnimada Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo Col, Barre Hiiraale.

“Waxaa ciidankeena awalba ay deganaayeen meel aan sidaasi uga fogeyn garoonka diyaaradaha, waxaana markaasi inoo sahlanaatay in aan si dhib yar isaga soo baxno meeshaasi laga maleegayo dhagarta qaranimada Soomaaliya iyo naaxinta qabiil gaar ah” ayuu yiri Sarkaalka ciidanka soo goostay maanta hoggaaminayey Farxaan Daahir Shidane.

Ugu danbeyntii waxaa uu sheegay sarkaalkan inay dagaal adeg la geli doonaan waxa uu ku sheegay jabhada Raaskambooni oo magac maamul ay siiyeen shaqsiyaad qabiil ahaan ula safan oo ay ugu horeeyaan Maxamed Abdi Afeey iyo Eng, Maxbuub oo labadaba IGAD iyo Kenya ugu qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com