Top News: Haween Ka Soo Baxsaday Fallaagada Boko Xaraam.

0

Lagos, AGGM: Ilo wareedyo laga helayo laamaha ammaanka ee dalka Nigeria ayaa sheegaya in haween ka badan 60 ay ka baxsadeen kooxda Boko Xaram oo ay u qafaalnaayeen.

Waxa ay ka mid ahaayeen 68 haween iyo gabdho isugu jira oo bishii lasoo dhaafay laga afduubtay meel u dhow degmada Damboa ee ku taal waqooyi bari gobolka Borno.

Wararka ayaa sheegaya in haweenka ay soo baxsadeen, kaddib markii ay kooxdii afduubka u haysatay duullaan u aadeen saldhig ciidan, oo ku yaalla meel u dhow degmadda Damboa Jimcihii lasoo dhaafay.

Ciidammada Nigeria ayaa sheegay in weerarkaasi lagu soo qaaday ay ku dileen in ka badan 50 dagaalyahan.

Boko Xaram ayaa weli haysata in ka badan 200 oo gabdho iskuuley ah, kuwaas oo ay qafaalatay bishii April.

Kooxda ayaa dalbaneysa in maxaabiis kaga jirta xabsiyada dawladda loo sii daayo si ay gabdhaha u sii daayaan.

Todobaadkii lasoo dhaafayna, wasaaradda difaaca ee Nigeria ayaa sheegtay in la qabtay saddex haween ah oo haweenka u qora Boko Xaraam.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com