Top News: Gudoomiyaha Gobolka Galguduud Cirfo Oo Cambaareeyay Dilka Cabdiqafaar Aaden Maxamed.

0

Dhuusamareeb, AGGM:Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee dowlada soomaaliya Xuseen Cali Wehliyo (Cirfo) ayaa cambaareeyey dilkii madaxa maaliyadda ee degmada Caabudwaaq, Cabdiqafaar Aadan oo koox hubeysan ay shalay ku dishay degmadaasi.

Cirfo ayaa tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay dilalka loo geysanayo dadka u adeegaya bulshada, isagoo xusay inay ka hortagi doonnaan cid kasta oo dhibaatada u geysanaysa ammaanka iyo horumarka gobolka Galgaduud.

Wuxuu ugu baaqay odayaasha dhaqanka iyo dadka wax garadka ah ee kunool gobolka inay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyin kale oo ka dhaca gobolka.

Ma jirto cid loo qabtay dilka madaxii maaliyadda ee maamulka degmada Caabudwaaq, marxuum Cabdiqafaar Aadan, waxaana socda baaritaan ku aaddan ciddii ka dambeysay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com