Daawo: Mucaaradka Kenya “Xilligii Wadahadalka Wuu Dhamaaday Kenya Oo Weji Cusub Gashay”.

0

Nairobi, AGGM: – Boqolaal Kun oo Qof ayaa Maanta isugu soo baxay Caasimada Kenya ee Nairobi, ayaga oo uu horkacayo Hogaammiyaha Ururka Mucaarka ee CORD, Raila Odinga.

Mucaaradka Kenya oo uu hogaaminayo Rai’sul wasaarihii hore ee dalka, Raila Odinga ayaa dalbanaya in uu ‘Kursiga ka dago’ Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Dadkaan Maanta iskugu soo baxay Dibadbaxaan ayaa sheegeen in uu dhamaaday ‘xilligii wadahadalka’, kadib markii Amniga Dalka Kenya uu faraha ka baxay.

Waxay doonayeen in dowlada ay tilaabo ka qaado dhibaatooyinka ay sheegeen inay dalka ka taagan yihiin oo ay ka mid yihiin xaaladda Ammaan ee dalka, shaqa la’aanta, Qabyaaladda iyo kuwa kale.

Xafiiska Madaxweynaha Kenya ayaa Maanta sheegay in Madaxweynaha uusan diyaar u aheyn baaqaasi iyo qaabka ay wax u dalbanayaan Mucaaradka.

Mucaaradka ayaa Dowladda ku eedeynaya in ay ku fashilantay Sugidda Ammaanka Dalka kadib Weeraro badan oo ka dhacay Deegaanadda Xeebta.

Ugu yaraan 18 Qof ayaa lagu dilay Weerar markale habeen hore ka dhacay dalka Kenya, kaasi oo noqonaya kii 2-aad oo dalkaasi ka dhaca Mudo ka yar Hal Bil, iyadoo Amni darrada Jilbaha dhulka u dhigay Dhaqaalaha Dalxiiska kasoo galayay dalkaasi.

Kenya waxaa ka dhacayay Weeraro tan iyo 2011 markaasi oo ay Ciidamadeeda ka tallaabeen Xadka Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan kooxda Al Shabaab oo ay ku eedeeysay xukuumada Kenya afduubka shaqaale hay’addo ajnabi ah iyo dilka saraakiil ka tirsanaa ciidamadooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com