Xog: Madaxweynaha Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo U Xusul Duubaya Siday Ku Joojin Lahaayeen Mooshin Laga Soo Wado Faarax Sheekh C/qaadir.

0

Muqdisho, AGGM:Warar si hoose oo nooga soo gaarayo xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ay wadaan qorshe cusub oo ay ku doonayaan inay isku hortaagan Mooshin ay damacsan yihiin in Golaha Shacabka ay ka keenaan Wasiirka Cadaalada Faarax Sheekh C/qaadir.

Wararkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in ku dhawaad 74 Xildhibaan ay saxiixeen Mooshinkan laga soo wado Wasiirka Cadaalada Faarax Sheekh Cabdulqaadir, waxaana la sheegayaan in, ka dib markii ay sii kala fogaadeen Calaaqadkii u dhexeeyay Golaha Wasiirada iyo Wasiirka.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa iminka ku howlan xal ka gaarka Siyaasadaha hoose ee u dhexeeyo Wasiir Faarax, Golaha wasiirada iyo Xildhibaanada qaar, waxaana la Tilmaamayaa in Villa Somalia xilliyada Habeenkii lagu jeex-jeexo qaabka looga bad-baadin lahaa Mooshinka kusoo wajahan Wasiir Faarax C/qaadir.

Isku soo wada duuboo waxaan la ogaan karin sida Arrintaasi ay u xalin doonaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baaralamaanka, iyadoona ay warar hoose sheegayaan inay jiraan balan qaadyo loo sameeyay qaar ka mid ah Xildhibaanada lagana yaabo in la helo isu soo dhawaansho ay muujinayaan Xildhibaanada ku kacsan Faarax C/qaadir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com