War Deg Deg Ah: Madaxii Maaliyada Ee Degmada Caabudwaaq Abdiqafaar Aaden Maxamed Oo Koox Hubaysan Dileen.

0

Caabudwaaq, AGGM:Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud ayaa waxa ay sheegayaan in gudaha magaaldaasi lagu dilay Madaxii maaliyada ee degmada Caabudwaaq Allaha U Naxariistee Abdiqafaar Aaden Maxamed.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Dilka Marxuum Abdiqafaar Aden Maxamed uu dhacay xilli uu kasoo baxayey xafiiskiisa shaqo,iyaddoo ay dilkiisa geysteen maleeshiyaad kuwaasi oo markii ay dileen Marxuumka isaga baxay magaalada.

Marxuum Abdiqafaar Maxamed ayaa xiliga la dilay Soomanaa waxa uuna ka mid ahaa aqoonyahanada magalaada Caabudwaaq maamulka magaaladaasina waxa uu uga jiray kaalin muuqata.

Dilka Marxuum Abdiqafaar Aaden Maxamed ayaa waxa uu salka ku hayaa oo uu maanta naftiisa ku waayey aano ama dakano qabiil oo u dhexeysay laba beelood oo wada daga gudaha Magaalada Caabudwaaq.

Aanadan amaba dakandan Qabiil ee u dhexeeysa labdaasi Beelood ayaa waxa ay socotay bilihii ugu danbeyay waxa ayna ku faafeen dhammaan deegaanada ay labadaasi Beelood wada dagaan.

Waxaa kacsanaan ka jirtaa Magaalada Cabudwaaq waxaana joogsaday gebi ahaan isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka, iyaddoo lagu dhex arkayo magaalada maleeshiyaad isku hub urursanayo, iyada oo aan weli la aasin marxuum Abdiqafaar Aden Maxamed.

Isku soo wada duuboo Waxgaradka labadan beelood ayaa meelkasta oo ay dunida ka joogaan waxa ay wadeen Waayihii ugu dambeeyay oo dhan inay diraan baaqyo Nabadeed iyo dadaal sidii lagu heshiisiin lahaa labadan beel ee wada dhashay.

cabdiqafaar aden maxamed

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com