War Cusub: Haweeney Ruush Ah Oo Lagu Dilay Magaalo Xeebeedka Mombasa.

0

Mombasa, AGGM:Haweenay dalxiise Ruush ah ayaa lagu dilay magaalada Mombase kadib markii ay rag aan heybtooda la garaneyn xabad kaga dhufteen madaxa xili ay booqanaysay goob taariikhi ah oo ku taala magaalada Mombasa.

Heenayda Ruushka ahayd oo lagu sheegay inay ahayd qof dhalinyaro ah ayaa waxa ay ku geeriyootay qolka qaliinka isbitaalka magaalada Mombaxa wax yar un kadib markii xabada lagusoo dhuftay sida uu sheegay agaasimaha isbitaalka Dr Hadija Shikeli.

Dilka haweenayda dalxiisaha ahayd ee u dhalatay dalka Ruushka ayaa dhacday gelinkii hore ee maanta oo Axad ah waxa uuna dilkeedu kusoo aadayaa xili amaanka gobolka xeebta dalka Kenya uu faraha kasii baxayo kadib markii ay xarakada Alshabaab weeraro is xig xiga ka geysatay magaalooyin ku teedsan xeebta jaziirada Lamu oo kii ugu dambeeyay uu
xalay dhacay.

Kenya ayaa waxaa ka jooga gudaha dalka Soomaaliya kumanaan ciidamo ah kuwaasoo markii hore dalka kusoo galay ayaga oo sheegaya inay dagaal kula jiraan xarakada Alshabaab balse markii dambe ku biiray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Alshabaab waxa ay dhowr jeer ku cel celisay inay Kenya ciidamadeeda kala baxdo gudaha dalka Soomaaliya balse dowlada Kenya ayaa sheegtay inaysan ka baxaynin Soomaaliya ilaa ay Soomaaliya nabad ka noqonayso waa sida ay sheegtaye.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com