Top News: Ciidamada Dowladda Yemen Oo Duqeeyey Waqooyiga Magaalada Sanca.

0

Sanca, AGGM: Diyaaradaha dagaalka ee dowlada Yemen ayaa duqeymo la beegsaday magaalada Amran xili ay gebi ahaan burburtay xabad joojintii dhexmartay dowladda iyo xoogaga Shiicada ah ee Xuuthiyiinta.

Dagaalka ayaa sii xoogeystay maalinimadii shalay (Sabti) kadib markii ay ciidamada Yemen duqeeyeen deegaanada ku beegan waqooyiga caasimada Yemen ee Sanca.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa dhawaan bilaabay inay usoo dhaqaaqaan dhinaca magaalada Sanca, iyagoo kasoo degay dhulka buuraleyda ah oo ay ku xoogan yihiin, waxaana dhawaan labada dhinac la dhex dhigay xabad joojin.

Dagaalkii shalay oo kaliya ayaa la sheegay inay ku dhinteen dad gaaraya 90 qof, xili dowlada Yemen ay dhinaca kale ay dagaal kula jirto xoogaga Al Qacida oo iyaguna ka dagaalamaya koonfurta Yemen.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com