Fadeexad: Ciidamada Wadooyinka (Taraafikada) Oo Qaatay Amar Ka Soo Baxay Falaagada Al Shabaab.

0

Muqdisho, AGGM:Xili Al-shabaab ay Toogteen ilaa 4 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka ee Dowladda Soomaaliya islamarkaana falaagada Shabaabku ay u Hanjabeen Ciidamada ayaa waxaa ay Ciidamadu ay qaateen Amarka Al-shabaab.

Wariye ka tirsan Warbaahinta oo Socdaal ku soo maray wadooyinka Muqdisho intooda badan ayaa sheegaya in Ciidamada Taraafikada aysan joogin Goobihii ay ka Howlagali jireen oo ay kala dhuunteen.

Waxaa uu Wariyaha soo sheegayaa in Goobaha Muhiimkaa sida Isgooysaya Waaweyn ee ay Joogi jireen Ciidamada Ilaalada wadooyinka ay Iskaga Tageen,ayagoo ka Baqaya in ay Toogtaan rag ka tirsan Al-shabaab.

Waxaa falaagada Al-shabaab ay sheegeen in Ciidamada Ilaalada Wadooyinka Dowladda Soomaaliya ay sidii Xildhibanada oo kale u beegsanayaan,Sababtuna ay tahay in ay Baaraan Gaadiidka Qaraxyada wada ee Al-shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com