Dhageyso; Ciidamada Kenya Oo Shacab Ku Xasuuqay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

0

Muqdisho, AGGM:Ciidamada Kenya ayaa Dad Shacab ah oo Xoolo dhaqato ah ku laayey Dhulka Xeebta ku Teedsan ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Kenya oo iskugu jira kuwa Cirka iyo kuwa Dhulka ayaa Duqeeyn ka geeystay Deegaanada kala ah,Buurgaabo”Madhawa,Gudhaa iyo Raas-kambooni.

C/rashiid Sheikh Xuseen Macalin Gaab oo ka mid ah Odayaasha Jubooyinka oo la hadlay Idaacada Kumiye ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay dileen 9 Qof oo isku Qoys ah islamarkaana ku sugnaa Deeganada Xeebta Dhaca ee Gobolka Jubbada Hoose.

C/rashiid Shekh Xuseen ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay Xasuuq ka wadaan Gobolka Jubbada Hoose islamarkaana ujeedkoodu uusan aheyn in ay Al-shabaab la dagaalamaan,laakiin uu yahay in Shacabka ay Xasuuqaan.

Waxaa uu intaa ku daray in aysan jirin Cid wax ka qabaneeysa Xasuuqa Kenya ay ka wado Gobolka Jubbada Hoose ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda Kenya ee Qeybta ka ah AMISOM ayaa Tiro dhowr Jeer ah Duqeeyey Deegaano ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose,waxaana ay ku dileen Dad Shacab u badan,iyadoona u jeedka Weeraradaas Kenya ay ku sheegtay in Al-shabaab ay ku Baacsanayaan.

XASUUQA KENYA

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com