Warsaxaafadeed+Sawiro: Heshiis Horudhac Ah Oo Majeerteen iyo Ogaadeen Ku Dhex Maray Kismaayo.

0

Muqdisho, AGGM: Waxaa magaaladda Kismaayo ee xarunta Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni soo gaaray maalinimadii Talaadada ee 24kii June 2014 wafdi ka socda beesha Majeerteen oo ka koobnaa Horjoogeyaal iyo odayaal dhaqan.

Ujeedka socdaalka wafdiga Bari ka yimi wuxuu ahaa wada tashi iyo xoojinta iskaashiga 2da beelood iyo isxog dhaafsi guud ahaan xaaladda Soomaaliya.

Gorfeyn dheer kadib, waxaa labada dhinac kulamadaasi si wada jir ah uga soo saareen warsaxaafadeedkaan:
1:In Soomaaliya ay tahay Jamhuuriyad Federaal ah sida uu qabo Qodobka 1aad ee Dastuurka. Hadaba iyadoo arrintaan la fulinayo, waxaaa waajib ku ah Dowladda Federaalka ah inay dardargaliso hirgalinta nidaamkaas ay Soomaaliya isku raacday, waafaqsanna Dastuurka gundhigga u ah Soomaaliyada cusub ee lagu wada heshiiyay Qodobkiisa 51aad.

2:Majeerteen iyo Ogaadeen waxay aaminsanyihiin muhiimadda iyo sida lagama maarmaan u tahay dhamaystirka iyo iyo dhaqangalinta Dastuurkii lagu heshiiyay. Hadaba si taa loo gaaro, waxaa xilka wada saaranyahay Dowladda Federaaliga ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah inay si wadajir iyo iskaashi leh uga wada xaajoodaan dhamaystirka Dastuurka iyo hirgalintiisa.

3:Sidoo kale waxaan aaminsanahay in habraac walba oo lagu dhamaystirayo / fulinayo Dastuurka lagala tashado dowladaha xubnaha ah sida uu qabo Dastuurku. Wixii waxkabadal ah ee lagu sameeyay Dastuurkii lagu heshiiyay oo aan waafaqsanayn isla Dastuurka cutubka 15aad iyo Jadwalka A&B ee ka hadlaya habraaca waxkabadalka Dastuurka waxaan u aragnaa sharci darro.

4:Majeerteen iyo Ogaadeen waxay soo dhowaynayaan dhismaha maamul u samaynta 3da Gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeelada Hoose waxayna la garab taaganyihiin wax walba oo taageero ah. Waxaan kaloo aaminsannahay sida uu qabo Dastuurku in deegaanada aan lahayn maamul-dowladeed guud ahaan lagu taageero dhismaha maamul-dowladeed, dowladda Federal kuna dardar galiso wixii fududayn iyo farsamo ah.
5:Majeerteen iyo Ogaadeen waxay aaminsanyihiin inay xaq uleeyihiin inay ka helaan qaybtooda Deeqaha Caalamiga ee magaca Soomaaliya lagu helo waana inay Dowladda Federaalku u qaybisaa deeqahaas si caddaalad ah.

6:Majeerteen iyo Ogaadeen waxay aaminsanyihiin in doorashada 2016 ay ku dhacdo xilligii iyo qaabkii loogu talo galay sida uu qabo Dastuurku. Haddii qaabka qabashadeeda isbadal loo baahdo in lagu sameeyo, waa in si wadajir ah uga wada tashadaan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ah.

7:Majeerteen iyo Ogaadeen, waxay ku heshiiyeen in ay is dhaafsadaan wixii aqoon iyo khibrad waayo aragnimo ah iyo waliba in ay labada dhinac wadaagaan xogaha amniga iyo argagixisada caalamiga ah si la iskaga kaashado ladagaalankooda, soo afjaristooda iyo maamul wanaaga ay higsanayso Umamadayada Soomaaliyeed, si loo gaaro Dimoqraadiyad dhab ah iyo nabad waarta oo Soomaali ku wada noolaato kulana noolaato Dowladaha dariska la ah.

22-450x253 13-450x253 kis 32-450x253 22-450x253 (1)

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com