Dhageyso: Qarax Lala Eegtay Maqaaxi Ku Taal Degmada Balad Xaawo Ee Gobolka Gedo.

0

Balad Xaawo, AGGM: Wararka ka imaanaya Magaalada Balad xaawo ee Gobalka Gedo, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu maanta Duhurkii ka dhacay, qarax Miino oo la sheegay in la dhigay goob maqaayad ah.

Qof ku sugan Degmada Balad xaawo ayaa Allgalgaduud Media wuxuu usheegay in Qaraxan uu ka dhacay goob maqaayad ah oo la sheegay inay wax ka cunayeen dad masoomayaal ah.

Wuxuu intaasi ku daray in qaraxaasi uu sababay dhimashada labo ruux iyo dhaawac in kabadan 5-ruux oo dhamaantood la sheegay inay wax ka cunayeen goobta maqaayada ah ee ay isugu tageen dadka masoomayaasha ah.

Warar kale oo ka madaxbanaan qofka ku sugan Degmada Balad xaawo, ayaa waxa ay sheegayaan in dhimashada ay gaareyso ilaa laba  ruux oo shacab ah, kuwaasi oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa goobta maqaayada ah.

Buula Aadan Qaloocow oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada degmada Baladxaawo ayaa ka waramay sida uu u dhacay qaraxa iyo waliba qasaaraha ka dhashay,wuxuu sheegay in qaraxa uu ka dhacay Koonfurta magaalada,isagoona hoosta ka xariiqay in labo ruux oo mid askari uu yahay ay ku dhinteen.

Lama oga cida ka dambeysay qaraxaan goobta maqaayada ah ka dhacay, sidoo kale ma jirto cid loosoo qabtay inay ka dambeysay qaraxaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com