Ciidamada Dowladda Iyo Al Shabaab Oo Xalay Ku Dagaalamay Duleedka Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho, AGGM: Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab ayaa Xalay Dagaal Culus waxuu ku dhexmaray Degaanka Siinka-dheer ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Sida uu tilmaamay Goobjooge, Dagaalkan ayaa waxuu qarxay kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab ay Weerar Xoogan ku qaadeen Fariisin Ciidamada DFS ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Muqdisho.

Isagoo soo hadalayay ayaa waxuu Idaacad ku taala Magaalada Muqdisho u sheegay in Dagaalka uu ahaa mid Xoogan islamarkaana uu Qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh uu ka soo gaaray labada dhinac.

Xaalada Degaanka Siinka-dheer ayaa deggan waxaana la sheegay in uu dib u soo laabtay isu socodkii Gaadiidka iyo Dhaq dhaqaaqii Ganacsi ee ka jiray Degaanka Siinka-Dheere ee Duleedka Magaalo Madaxda Muqdisho.

Ugu dambeyn, Dagaalkan ayaa dhinac socda Dagaalo Ururka Al Shabaab oo marwalba si gaadmo ah ay ugu qaadaan Xarumaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com