Xog: Barnaamijki Nabad Ku Afur Oo Isu Badalay Naxdin Ku Afur, Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo R/wasaare Cabdiweli Sheekh Oo Xaalkooda Meel Xun Marayo.

0

Muqdisho, AGGM:Madaxwaynaha DF Xasan Shiikh Maxamuud oo bishan kowdeeda ku dhawaaqay Barnaamij la yiraahdo Nabad ku Afur oo lagu damacsanaa in lagu sugo Amniga magalada Muqdisho ayaa hada u muuqda inuu fashilmay.

Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo ka mid ah Baarlamaanka DF ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilalka is-dabo jooga ah ee Muqdisho kusoo batay bisha Barakaysan ee Ramadaan xili ciidamo aad u faro badan degmooyinka Muqdisho lasoo dhoobay kuwaasoo sugaya Amniga hase yeeshee aan ku guulaysan ka hortaga dilalka.

Jeesow ayaa sheegay in Barnaamijka Nabad ku afur oo ay keentay xukuumadda Soomaaliya uu isku badalay naxdin ku afur oo uu ku tilmaamay in xukumadda Cabdi Weli ay ku fashilantay inay Amniga Muqdisho sugto.

Xildhibaanka, ayaa wacad ku maray in baarlamanka Soomaaliya uu la xisaabtami doono ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo shaqadiisii gabay.

Tan iyo markii Cabdi Weli la magacaabay, waxaa faraha ka baxay amnigii dalka, waxaana soo cusboonaaday dagaal beeleedyo uu isaga dhinaca ka hurinayo.

Waxaa hadda sii kordhaya xildhibaanada kasoo horjeeda siyaasadda Cabdi Weli, ee qabyaaladda ku dhisan, kuwaas oo doonaya in lala xisaabtamo, ama xilka laga qaado.

Kooxda Alshabab ayaa dhankeeda sheegtay inay kordhisay weerarada iyo dilalka ay Muqdisho ka gaysan jirtay bisha Ramadaan ayna la beegsan doonaan xarumaha ciidanka DF iyo kuwa AMISOM.

Tii ugu danbaysay ayaa magalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamar weyne waxaa lagu dilay mudane ka tirsan Baarlamaanka DF mana jirto ilaa iyo hada cid falkaasi loosoo qabtay inkastoo Alshabab ay sheegatay kuna faanay.
Ma jirto ilaa iyo hada tilaabo cad oo amni xumida magalada Muqdisho laga qaaday marka laga reebo baaritaano ay ciidanku xaafadaha magalada ku sameeyaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com