Top News: Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow “Barnaamijkii Nabad ku Afur,wuxuu isku bedelay Naxdin ku Afur”

0

Muqdisho, AGGM:Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow ayaa ku tilmaamay barnaamijkii Nabad ku Afur ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu noqday mid fashilmay, isagoo isu bedelay Naxdin ku Afur.

Mr Jeesow ayaa ku eedeeyay Xukuumada inay ku fashilantay wax ka qabashada ammaanka, waxaana uu cadeeyay in shacabka ay kalsooni daro gashay.

“Barnaamijka Nabad ku Afur waa fashilmay wuxuu isu bedelay Naxdin ku Afur, dadka waxay ka joogtaa goormee afurkan kiisa kale gaareysaa, berri goormaa gaareysa, xukuumada ayaa eeda ugu weyn leh”ayuu yiri Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow.

Xildhibaanka ayaa sheegay in wax lala yaabo tahay tan iyo markii uu bilowday bisha Ramadaan lagu dilay magaalada Muqdisho ilaa sodomeeyo ruux oo ugu dambeeyay Xildhibaan Xayd sida uu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado dadaalo ay ku sugeyso ammaanka, isla markaana barnaamijka Nabad ku afur uu yahay mid amni oo looga hortagayo falalka amni daro ee Al-Shabaab ka geysato Muqdisho xilliyada Ramadaanka.

Al-Shabaab oo horay ugu goodisay inay sii kordhineyso weerarada inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ayaa sheegatay dilal iyo qaraxyo maalmihii u dambeeyay ka dhacay Muqdisho, waxaana kii ugu dambeeyay ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabayay Maxamed Maxamuud Xayd.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com