Daawo Sawiro:Faah Faahino Dheeri Ah Oo Ka Soo Baxaya Qaraxi Ka Dhacay Agagaarka Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

0

Muqdisho, AGGM:– Inta la xaqiijinayo afar labo ka tirsan ahaayeen askarta ciidamad dowladda ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay taallada Sayidka ee gobolka Banaadir, sida uu warbaahinta u sheegay Qaasim Rooble oo ka mid ah saraakiisha booliska Soomaaliya.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari Noah ah oo lagu soo xiray walxo qarxa ayaa waxaa ku dhaawacmay 9 qof oo 7 ka tirsanaa ay yihiin carruur ay dhaleen qoysas soo barakacay oo ku nool beertii hore ee Daraawiishta iyo 2 askari, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay sawir-qaade u shaqeeya wakaaladda wararka ee AFP.

Wararku waxaa ay sheegyaan in ciidamad dowladda ee ku sugnaa xarunta baarlamanka rasaas huwiyay gaariga dabadeedna gaarigii ayaa qarxay sida xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo ku sugnaa madasha baarlamaanka uu u sheegay warbaahinta.

Madasha baarlamaanka ayaa lagu kala cararay iyadoo uu hakad ku yimid kulankii Xildhibaanada ku lahaayeen Golaha Shacabka Muqdisho.

qar2 qar1

qar13

qar qar10 qar9 qar8 qar7 qar6 qar5 qar4 qar3 qar12

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com