Dhageyso: Dowladda Oo Sheegatay Inay Fashilisay Weerarki Maanta Ee Baarlamaanka.

0

Muqdisho, AGGM: Afahayeenka Hay adaha Amniga ee Dowlada Soomaaliya Qaasim Axmed Roble oo Warbaahinta kula hadlay Afaafka hore ee Xarunta Golaha Shacabka ayaa Sheegay in Cidamada Booliska ay Fashiliyen ayna ka hor tageen Weerarkii lala damacsanaa in lagu Qaado Xarunta Golaha Shacabka.

Afahayeenku waxa uu sheegay in Qaraxaasi ay ku geeriyoodeen labo Askar oo ka tirsan Ciidamada Dowlada halka ay ku dhaawacmeen Afar kale iyo dhaawac soo gaaray labo qof oo Shacab ah.

Khaasim Axmed Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka iney la shaqeeyaan Hay adaha Amaanka ee Dowlada si loogu hor tago Weerar ay Al-Shabaab ka geystaan Xarumaha kala duwan ee Dowladda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
alllgalgaduud@gmail.com