Akhriso Taariikhda Qaraxyadii, Dilalkii Ugu Cuslaa ee 2013-2014 ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

0

Shabakadani oo il-gaar ah ku heyso Dhacdooyinka ka dhaca gudaha Magaaladda Muqdisho iyo Daafaheeda, ayaa waxa ay iminkana kusoo bandhigeysaa Qaraxyadii, Dilalkii ugu Cuslaa ee Taariikhiga ah ee ka dhacay Magaaladda Muqdisho 2013 0-2014.

1) Qaraxii Maxkamda ee Gobolka Banaadir April 2013

weerarkii bishii April ee sannadkan lagu qaaday dhismaha ay ku shaqeyaan maxkamadaha dalka, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20-qof oo isugu jiray garsoorayaal iyo dad dacwado isku haysta.

2) Qaraxii UNDP JUNE 2013.

Bishii June ee isla sannadkan waxaa sidoo kale weerarro is-miidaamin iyo kuwo toos isugu jiray lagu qaaday xarunta hay’adda UNDP ay ku leedahay Muqdisho, halkaasoo ay ku dhinteen 15-qof oo isugu jiray shaqaale ajnabi ah oo xaruntan ka howlgalayay, ciidamadii ilaalada ka hayay, dad shacab ah iyo xoogaggii weeraray.

3) Ismiidaamin JANAAYO 2013

Sidoo kale, bishii Jannaayo ee sannadkan waxaa qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay illinka guriga ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya kaasoo ay laba oo midkood uu ahaa askari ilaalo ka haya guriga iyo qofkii fuliyay qaraxaas.

4) Ismiidaamin Febaury 2013

Bishii Feberaayo ee sanadkan waxaa qarax ismiidaamin ahaa lagu weeraray baar Liido ee Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen laba qof tiro kalena ay ku dhaawcmeen, waxayna waxyello kasoo gaartay gaadiid halkaas yaallay oo wateen dad baarkaas ka cunteynayay iyo kuwo kale oo tamashle u tagay.

5) Ismiidaamin Maarso 2013

Bishii Maarso ee sannadkan ayaa qarax Ismiidaamin ah oo lagu dilay 10-qof oo shacab iyo askar isugu jiray uu ka dhacay afaafka hore ee Ex-fiyooraha, kaasoo lagu weeraray taliyihii hore ee nabadsugidda gobokla Banaadir, Khaliif Axmed Ereg, waxaana taliyaha kasoo gaadhay dhaawac fudud, iyadoo Al-shabaab oo sheegay weerarkan ay sheegeen inay ku dileen ciidammo ka tirsan nabadsugidda Qaranka.

6) Ismiidaamin JULAY 2013

27-kii July, 2013, waxaa weerar ismiidaamin ahaa lagu qaaday qunsuliyad ay dowladda Turkigu ku leedahay Muqdisho, halkasoo ay ku dhinteen laba qof oo midkood uu ahaa askari ka tirsan ciidamada Turkiga iyo wiil arday Soomaaliyeed ah oo halkaas marayay, waxaana ku dhaawacmay saddex askarta Turkiga ka tirsan.

7) Weere JUNE 2013

Sidoo kale, bishii Juun ee sannadkan ayaa waxaa iyadana weerar gaadmo ah lagu qaaday gaadiid ay wateen shaqaale Turki ah, waxaana lagu dhaawcay saddex shaqaale ah oo ka tirsanaa ha’yadda bisha cas ee Turkiga.

8) Qarax SEPTEMBER 2013

Isla bishii September waxaa saddex qof oo uu ku jiray ganacade Yemeni ah iyo kuwo Soomaali ah lagu dilay qarax ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay qaraxaas mas’uul ka ahayd, waxaana qaraxan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ganacsade ajnabi ah lagu dilo.

9) Qarax ismiidaamin SEPTEMBER 2013

Bishii September ee sannadkan waxaa qarax ismiidaamin ahaa uu ka dhacay dhabarka dambe ee baarka The Village oo ku yaalla meel ku dhow tiyaatarka weyn ee Muqdisho, waxaana ku dhintay 15-qof oo isugu jira rayid iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

10)Qarax ismiidaamin NOVEMBER 2013

Bishii November ee sannadkan xilli fiid ah ayaa qaraxyo is-miidaamin ahaa waxay ka dhaceen afaafka hore ee hoteelka Maka Al-Mukarama kuwaasoo ay ku dhinteen afar qof, 15-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

11)Qarax ismiidaamin DECEMBER 2013

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa bishan December lix qof oo ay ku jireen Saddex dhakhtar oo u dhashay dalka Suuriya ku dileen duleedka Muqdisho, xilli ay dhakhaatiirtan u socdeen isbitaalka Fiqi oo ay ka howl-galayeen. Si adag ayaana weerarkan loo cambaareeyay, waxaana Al-shabaab ay markiiba iska fogeysay inay ku lug leedahay dilkaas.

12)Qarax ismiidaamin DECEMBER 27-di 2013

Ugu dambeyn, maalintii Jimcaha ahayd ee 27-kii bishan December wuxuu qarax miino oo dilay 11-qof ka dhacay maqaayad ku taalla xaafadda Ban-gala ee degmada Dayniile, waxaana dadka ku dhintay ku jiray sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo haweeneydii maqaayadda lahayd, mana jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.

13)May 24, 2014 Weerar Culus oo lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka DFS

May 24, 2014 Waxa ay Kooxo hubeysnaa Weerar culus ku qaaden Xarunta Baarlamaanka Dalka Xilli 11:30 subaxnimo ay aheyd islamarkaana ay ka doodayeen Heshiis ay wada galeen Wasaaradaha Gaashandhiga Somalia iyo Talyaaniga.

14) February 21, 2014 Weerar lagu qaaday Madaxtooyada Somalia

February 21, 2014 Weerar xoogleh ayaa salaadii Jimce ka dhacay xarunta Madaxtooyada Muqdisho ee Villa Somaliya, halkaasi oo ay ka dhaceen qaraxyo xoogleh, isla markaana uu ka dhacay iskahorimaad socday wakhti dheer, Weerarkan ayaa ka dhacay dhinaca danbe ee xarunta Madaxtooyada wadada 15 May ee aada dhinaca degmada Boondheere, halkaasi oo lagu qarxiyey gaari bambaano lasoo saaray, qaraxan kadib ayey goobtaasi galeen maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab oo ku labisnaa dareeska ciidamada.

WARIYEYAASHII LAGU DILAY MUQDISHO SANNADKAN:

1- Sannadkan 2013-ka waxaa Muqdisho lagu dilay tiro suxufiyiin ah oo ka kala howlgalayay warbaahinta kala duwan ee Soomaaliya, iyadoo gabi ahaantood lagu dilay weerarro gaadmo ah oo ay kooxo hubeysan la beegsadeen marka laga reebo wariye ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay.

18-kii bishii Jannaayo ee sannadkan waxaa degmada Wadajir lagu dilay mid ka mid ahaa wariyeyaashii ka howlgalayay idaacadda Shabelle, kaasoo lagu magacaabi jiray Cabdi-xareed Cismaan Aadan, xilli uu ku socday goobtiisa shaqo.

2- 22-kii bishii Abriil ee sannadkan ayaa lagu dilay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir wariye Maxamed Ibraahim Raage oo u shaqeynayay Radiyaha iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana lagu dilay illinka hor ee gurigiisa xilli galab ah isagoo shaqo ka yimid.

3- 18-kii Maarso ee sannadkan waxaa qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay ku dhintay wariye Maxamed Cali Nuxurkeey oo ka howlgalayay idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho. Waxaa kaloo qaraxaas ku dhaawacmay wariye kale.

4- 17-kii Ogoosto sannadkan waxaa lagu dilay Muqdisho farsamo-yaqaan ka tirsan idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho oo lagu magacaabi jiray, Axmed-deey Shariif kaasoo lagu dilay degmada Shibbis ee gobolka Banaadir, xilli aroornimo ah oo uu ku socday shaqada.

5- 26-kii bishii Oktoobar ee sannadkan ayaa wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde wuxuu dhaawac ay kooxo hubeysan ugu geysteen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir 22-kii Oktoobar uu ugu geeriyooday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

6- June 21, 2014 Waxaa xilli Subax ah gudaha Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir Qarax miino lagu dilay Weriye Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan Waxa uuna ahaa Tafatiraha Guud ee Idaacada Mustaqbal ee Magalaada Muqdisho,

XILDHIBAANNADII SANNADKAN DHINTAY IYO KUWII LA DILAY:

Sannadkan sii dhammaanaya ee 2013-ka waxaa dhintay tiro xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, kuwaasoo intooda badan u geeriyooday xanuuno lasoo darsay, halka kuwo kalena la dilay.

1- Bishii Feberaayo ee sannadkan waxaa Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan, Sheekh Nuur Cali Aadan. iyo xildhibaan Maxamed Faarax Jimcaale.

2- Bishii Ogoosto ee sannadkan waxaa isaguna xanuun ugu dhintay Muqdisho xildhibaan, Cismaan Xasan Cali (Caato), waxaana xildhibaankan uu wasiiir kasoo noqday xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo maray.

3- Bishii September ee sannadkan ayay kooxo hubeysan oo watay gaari Toyota ah xilli maqrib ah ku toogteen xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir xildhibaan Xuseen C/salaam Maxamed, isagoo ku socday gurigiisa, waxaana la sheegay in xildhibaankan uusan wadan wax ilaalo ah.

4- Bishii Oktoobar ee sannakan waxaa dalka Kenya ku dhintay xildhibaan Cumar Isloow Maxamed

5- Bishan December waxaa qarax loogu xiray gaarigiisa ku dhintay xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Faysal), waxaana qaraxan uu ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya, mana jirto cid sheegtay inay ka dambeysay dilka xildhibaanka.

6- Isla bishan December waxaa xanuun awgiis ugu geeriyooday hoteelka Muna ee Muqdisho xildhibaan, Xasan Maxamuud Cali (Sokoliin).

7- Apr 21, 2014 Waxaa Gaari ay saarnaayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya lagu qarxiyay degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday Xildhibaan Isaaq Miiro halka midka dhaawaca soo gaarayna lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Dhuux.

8- Thursday, July 3, 2014 – 11:03 Kooxo hubeysnaa ayaa Waxa ay Magaalada Muqdisho ku dileen Xildhibaan lagu magacaabaa Maxamed maxamuud Xayd, halka Xildhibaan C/laahi Axmed Xuseen Coonka isagana uu soo gaaray dhaawac culus, waxaana lagu waxyeeleeyay xilli ay ku sugnaayeen Degmada Xamar-weyne.

Dilalka Xoghayayaasha Degmooyinka iyo Gobolka Banaadir.

1- April 9, 2014 Waxaa Qarax miino lagu dilay Xoghayihii Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir Maxamuud Xaaji Deel xilli uu ku sugnaa guri ku yiilay Xaawo Taako

2- February 21, 2014May 3, 2014 Waxaa Qarax gaari lagu dilay Xoghayihii Gobolka Banaadir Cabdikaafi Hilowle Cismaan Xilli uu maraayay Isgoyska Lamber Afar ee Magaalada Muqdisho.

Isha: All Banaadir

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com