Xog Muhiim Ah:Muxuu Nagu Soo Biiriyey Ra’iisul wasaare Cabdiweli Oo Aan Aheyn Dagaal Qabiil Iyo Dilal Qorsheeysan?

0

Muqdisho, AGGM: Ku dhawaad 30 qof oo u badan ciidamada dowladda ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay shantii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana dilkooda sheegtay ururka Al-Shabaab.

Dadka dilay waxaa ugu dambeeyay askari ka tirsan ciidamada canshuuraha kaasoo maanta barqadii lagu dilay Suuq Boocle oo ka tirsan degmada Dharkeenleey.

Waxaa kaloo ka sii horeeyay xildhibaan iyo askari waardiyeenaayay oo saakay barqadii lagu dilay dhabarka dambe safaaradii Shiinaha ee degmada Xamarweyne.

Xildhibaanka waxaa kaloo lala dhaawacmay xildhibaan kale iyo qof ka tirsan shaqaalaha baarlamaanka sidda uu ku soo warramay wariyaha Kismaayo24.com ee magaalada Muqdisho.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Cabdi Weli, ayaa ku fashilantay shaqadii loo igmaday, ayada oo ra’iisul wasaaraha uu safaro is-daba joog ah waqtigii uga lumay iyo farxad gelinta dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Xukuumadda Cabdi Weli, ayaa shaqadii laga sugayey u bedeshay inay si aan gambad lahayn ugu adeegto shisheeyaha, oo Cabdi weli waxaa iminka uu hadallada ka dhageystaa Kenya iyo Ethiopia.

Shaqadii laga sugayey waxa ay noqotay tacsi iyo cambaareyn u joog ah, habeenki mashxarado, maalintina mas’uuliyiinteeda la gumaado.

Cabdi Weli waxa uu shaqo ka dhigtay isku dirka iyo soo nooleynta dagaalo qabiil fadhi u ah, waxaana laba bil ku dhawaad uu ku fashilmay magacaabista wasiirki wasaarada amnig.

Waa xukuumad iska daba hadasho, xukuumad kolka ay fahdiisato fadhigeeda muran ku bilawda, muruna ku dhamaado.

Haddaba dilalka maanta ka dhacay Muqdisho waxay ugu dambeeyeen dilal maalmahan ka dhacayay magaalada xilli dowladda ay ku dhawaaqday howgal loogu magacdarray NABAD KU AFUR, balse dad badan oo ku nool magaalada ayaa leh Nabad ku afur ma waxaa looga gun lahaa DIL KU AFUR.

Waxaa kaloo la isweydiinayaa sababta ay ku baxsan karaan kooxaha dilalka geesanaya kuwaasoo bartamaha magaalada dilal ka geesta.

Haddii ra’iisul wasaare Saacid lagu ceyriyey wax qabad la’aan, waxaa hadda muuqata in Cabdi Weli uusan wax is-beddel ah la iman, hadduusanba xukuumaddii Saacid kasii darin.

Haddaba xildhibaan Xeyd AUN qof noocee ah ayuu ahaa.

Xildhibaanka Maxamed Maxammuud Xeyd wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada dowladda isagoona ku biiray sannadkii 1950-kii, oo wuxuu tababbar ciidan u aaday waddamo ay ka mid yihiin Ruushka iyo Talyaaniga.

Wuxuu ahaa khabiir dhinaca ciidamada bada Soomaaliya, isagoona ku hadli jiray luuqadaha Carabiga, Ingiriiska iyo Talyaaniga

Wuxuu xildhibaannada baarlamaanka soo galay tan iyo dowladii Cabdiqaasim ee lagu soo unkay dalka Jabuuti, sidoo kale wuxuu soo noqday wasiirka dalxiiska dowladii Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Wuxuu hadda ka mid ahaa guddiga difaaca xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, waaa guddoomiyaha guddiga difaaca ee baarlamaanka, wuxuu xildhibaan Xeyd ku tilmaamay in uu ahaa qof aqoon ay ka buuxdo.

“Iska daa dad-nimadiisa aqoonta ka buuxda Xeyd ma umaleenaayo in la hali doono qof la mid ah” ayuu yiri xildhibaan Xuseen Carab Ciise Carab.

Xildhibaanka ayaa xilligii la dilaayay wuxuu u socday xarunta baarlamaanka oo waxaa baarlamaanka uu lahaa maanta oo Khamiis ah kulan, sidda ay inoo sheegeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka fedaraalka.

Xeeldheerayaasha siyaasadda ku fog ka hadalkeeda ayaa xukuumadda Abdiweli Shiikh Ahmed u bixiyey ” Xukuumadda Tacsida” taasi oo ka dhigan inaysan waxba qaban balse ay u joogto un inay tacsi u dirto hadba qofkii la dilo!!.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com