Xog: Gudoomiye Jawaari Iyo AMISOM Oo Lagu Eedeeyay Inay Daayaceen Sugida Ammaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

0

Muqdisho, AGGM: Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegayin guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari iyo ciidamada AMISOM ay mas’uul ka yihiin dilalka loo geesto xildhibaannada baarlamaanka.

Waxay sheegeen in xildhibaannada baarlamaanka aanu mas’uuliyad iska saarin ammaanka xildhibannada kuwaasoo maalin kasta mid mid loogu dilo magaalada Muqdisho.

Waxaa kaloo ay sheegeen ciidamada AMISOM oo howgalkooda uu yahay in ay ilaaliyaan ammaanka mas’uuliyiinta dowladda ay iyana gabeen arrintaas oo xittaa maalintii xarunta baarlamaanka la soo weeraraayay aaney joogin hal ciidan oo ka tirsan AMISOM xittaa.

Xildhibaannada ayaa si caro leh uga hadlay dilka xildhibaan Maxamed Maxammuud Xeyd oo maanta mar sii horreysay lagu dilay isaga iyo askari waardiyeenaayay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Horrey xildhibaannada baarlamaanka waxay u meel mariyeen sharci ah in ilaalo loo sameeyo xildhibaannada balse weli ilaa hadda arrintaas waxbo kama soo cusboonaanin oo iyagoo askar wata ayaaba lagu dilayaa xudunta magaalada.

Goobta shalay lagu dilay xildhibaanka waxaa la sheegay inuu ku yaallo saldhig oo qiyaastii 500 oo MTR ayay u jirtay mana jirto cid u gurmaday xildhibaanka oo baabuurkiisa lagu gooyay baabuur kale.

Waa xildhibaankii seddaxaad oo lagu dilo magaalada Muqdisho tan iyo sannadkan waxaana dhammaan dilalkaas sheegtay mas’uuliyadooda ururka Al-Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com