Top News:10 Waxyaabood Oo Aan Aragnay Kaddib Magacaabistii R/wasaare Cabdiweli Sheekh Ee Soomaaliya.

0

Muqdisho, AGGM: Cali Yare Wardheere oo mudo dheer ka soo shaqeeyay xafiiskii Ra’isul wasaare Saacid ayaa bartiisa Facebook wuxuu ku xardhay dhaliil garaawshiyo run ah xambaarsan, oo ku saabsan wixii magacaabista Ra’isul wasaare Cabdi Weli ay kusoo kordhisay Soomaaliya.

Cali Yare Wardheere oo ah nin siyaasadda xog ogaaal u ah waxa uu yiri:-“Mudada sanadka ka yar ee uu xilka hayo Raisul wasaaraha xukuumada TACSIDA Mudane Abdi Weli Sh Ahmed waxaa faraha ka baxay amnigii Dalka, waxaa dhiiranaan yeeshay Argagixisadii, waxaa la dilay 6 Xildhibaan, waxaa la weeraray Aqalka madaxtooyada ee xafiiskiisu ku yaalo sidoo kale xaruntii golaha sharci dajinta ee baarlamaanka, waxaa si joogto ah loo beegsaday shaqaalihii dowlada, waxaa gabaabsi noqday shaqooyinkii wasaaradaha ka socday, waxaa gobolada dalka intooda badan dib uga curtay dagaaladii sokeeye, waxaa mar soo dhac noqday mushaaraadkii ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha dowlada, waxaa muuqata/aragnaa Raiisal wasaare iyo golihiisa wasiirada oo wada shaqeyn iskaba dhaafe waxa kali ah oo ka dhaxeeya uu yahay XAN iyo Xiriir la,aan dhexdooda ah”.

 

fadeexad

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com