Dhageyso:Midowga Afrika Oo Sheegay Inay Tababarayaan Dhalinyarada Soomaaliyeed.

0

Muqdisho, AGGM: Taliska ciidamada midowga Africa ee Soomaaliya ayaa sheegay inay bixinayaan tababaro ay siinayaan dhalinyarada Soomaaliyeed, iyagoo ku dhiiro geliyay inay ku biiraan ciidamada kala duwan ee dowlada Soomaaliya.

Madaxa ugu sareeya ciidamada Winyetu Muntena ahna sii haya xilka wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab taagan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya.

Waxay sidoo kale sheegtay inay taageerayaan ayna tababaro siinayaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee qeybta ka ah ciidamada dowlada Soomaaliya ee ka barbar dagaalamaya ciidamada AMISOM.

“AMISOM waxay diyaar u tahay inay la shaqeyso dhalinyarada ayna idinla la wadaagto si loo kordhiyo awooda dhalinyrada waxaan si wadajir ah sidoo kale la shaqeynaynaa ciidamada dowlada ciidamada booliska iyo ciidamaada sirdoonka qaranka doorkeena waa inaan taageernaa ciidamadaasi si ay u adkeeyaan amaanka dalka loogana hortago”ayay tiri.

Ugu dambeyntii haweenaydaan ayaa cadeysay inay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan ciidamada dowlada Soomaaliya si ay ugu dambeyn u hantaan amaanka guud ahaan dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com