Dhageyso: Nabadoon Axmed Diiriye “Dowladda Ha Noqoto Mid Dadka U Horseeda Garsoor Cadaalada Ah, Dadka Yeysan Isku Dirin”.

0

Muqdisho, AGGM:Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ah Afhayeenka beelaha Hawiye wareysi uu siiyay Warbaahinta gudaha ayaa waxaa uu sheegay in nidmaaka uu yahay dadka deegaanka wada daga ay iyaga aayahooda ka tashadaan islamarkaana waxay ku mideeysan yihiin ulla imaadaan dowladda weeye sharciga.

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda siday doonto aysan ka yeeli karin qasabna ay ku tahay waxa dadka doonayaan inay yeelaan.

“Dowladda Dadka yeeysan isku dirin ee ha noqoto dowlad dhex dhexaad ah, waana inay dowladda tixgalisaa dadka ugu badan deegaanada Shabeellaha Hoose 80% waa dad kasoo jeeda beelaha Hawiye.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com