Dhageyso: Falaagada Al Shabaab Oo Lagu Edeeyay Inay Dadka Afduubtaan Kuna Badashaan Sii Deeyntooda HUB.

0

Muqdisho, AGGM: Gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/qaadir Siidii ayaa u sheegay Warbaahinta in Al-shabaab ay bilaabeen Qorshe kale oo ku aadan in hubka fudfudud ay ku badashtaan dad ay ka afduubeen deegaano ka tirsan degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelada hoose.

C/qaadir Siidii ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay maraan deegaanada gobolka Shabeelada hoose laakiin Al-shabaab aysan awoodin sida uu hadalka u dhigay inay waxyeeleyaan dadkaasi.

Wuxuu sheegay gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose ee Dowlada Soomaaliya in ay ka warhayaan dadka afduuban Al-shabaab,islamarkaana gacan bir ah ku qaban doonaan Al-shabaab hadii aanay ka waantoobin dhibaatooyinka ay ku hayaan Shacabka,siduu hadalka u dhigay.

Deegaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ka howlgala ururka Al-shabaab,kuwaasi oo marar qaarkooda qabsada sida uu maamulka ku eedeeyay gawaarida dadweynaha ee Safarka ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com