YAAB: Shaqaalaha Dowladda Iyo Ardayda Muslimiinta Ah Ee Wadanka China Oo Loo Diiday Inay Soomaan.

0

Xinjiang, Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta deegaanka gobolka Xinjiang ee galbeedka Shiinaha ayaa Muslimiinta ka mamnuucay in ay soomaan inta lagu jiro bishan barakaysan ee Ramadaanka.

Dadka la bartilmaameedsaday ayaa waxaa ka mid ah shaqaalaha dowladda, macalimiinta iyo ardayda, kuwaas oo ka soo jeeda qowmiyadda Uighur ee laga tirada badan yahay ee degta gobolkaasi isla markaana u badan Muslimiin.

Mid ka mid ah ururada ay leeyihiin dadka ka soo jeeda qowmiyaddani Uighur oo dibadda ka jooga dalka Shinaha ayaa sheegay in xukumaddu ay xitaa dadka siinayso cunto bilaash ah maalintii si aysan u soomin.

Qaar badan oo ka mid ah dadka qowmiyaddani ayaa ka cabanaya in hoggaamiyeyaasha qaran ee dalkaasi Shiinaha ay weerar ku hayaan dhaqankooda.

Dadka qaar ayaa ku doodaya in arrintani ay la xiriirto rabshadihii qowmiyadaha ku salaysnaa ee dhawaan ka dhacayay gobolkaasi Xinjiang.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com