Ururka Argagixisada Ah Ee Al Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyada Dilka Iyo Dhaawaca Laba Xildhibaan Oo Ka Tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.

0

Muqdisho, AGGM:Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa sheegtay mas’uuliyada dilka mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo dhaawaca mid kale maanta oo kahmiis ah loogu geystay magaalada Muqdisho.

“ Kani waa shirqool aan ku dilnay Xildhibaan mid kalena aan ku dhaawacnay iyo labo kale oo ilaalo u ahaa,” Sidaasi waxaa wakaalada Wararka AFP u sheegay Afhayeenka Howlgalada Al-shabaab Abdulaziz Abu Musab.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in Xildhibaan Ahmed Mohamud Hayd,oo horay usoo noqday Wasiir iyo Sarkaal sare oo dhanka Ciidamada lagu dilay mid ka mid ah degmooyinka ay joogaan Booliska ugu badan kuna taalo bartamaha magaalada Muqdisho.

Abuu Muscab ayaa sheegay inay sii wadi doonaan ugaarsiga mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya hadii anay ka degin waxay gacmaha kula jiraan.

Sida goob joogaayaalk ay sheegeen Kooxaha hubeysan ayaa watay gaari Qaali ah,goobtana ka baxsaday markii ay dilka geysteen.

Ururka Al-shabaab ayaa wacad ku maray inay sii kordhinayaan weeraradooda inta lagu guda jiro Bisha Bareysan ee Ramadaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com