Top News:Dowladda Mareykanka Oo Cambaareesay Dilkii Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd.

0

Muqdisho, AGGM:Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay dil saakay magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd oo ka mid ahaa mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Mareykanka ayaa tacsi u diray qoyska xildhibaanka la dilay.

War-qoraal ah oo ka soo baxay qeybta Soomaalida ee safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay inuu weerarku tusaale u yahay dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed iyo xurmo-darrada ay u muujineyso nabadda, caddaaladda iyo naxariista xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaanka.

Dowladda Mareykanka ayaa caddeysay inay garab-taagan tahay dadka iyo ciidamada qaranka Soomaaliya iyo sidoo kale howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyadoo qoraalka lagu xusay inuu Mareykanka si dhow ula shaqeyn doono hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo taliyeyaasha amniga ee Soomaaliya si loo sii wado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xildhibaan Xeyd ayaa saakay lagu dilay degmada Xamarweyne ee Muqdisho xilli uu ku sii jeeday xarunta baarlamaanka oo uu kulan uga socday xildhibaannada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com